4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2012
Dajire Augustine Mahiga oo Muqdisho ku Tilmaamay Magaalo uu dib u dhis ka socdo, isagoo ka hadlay Arrinta Kismaayo
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Wasiirka Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia, danjire Augustine Mahiga ayaa shir jaraa'id oo u u ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Soomaaliya ay ku socoto horumar, isagoo si gaar ah uga hadlay dib u dhiska magaalada Muqdisho.

Danjire Mahiga ayaa xusay in wax walba oo dhaca ay dowladda Soomaaliya mas'uul ka tahay isla markaana loogaga dambeynayo, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay magaalo uu ka jiro xafiiltan dhinaca beelaha ah.

"Magaalada Muqdisho waxay kusoo laabanaysaa mid caadi ah marka la eego dib u dhiska ka socda, dhawaaqa xabadaha waxaa bedelay jabaqda buruska, magaalada waxaa habeenkii dhex socda dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar, sidoo kale waxaa ka furan ganacsi," ayuu danjire Mahiga ku sheegay shirkiisa jaraa'id.

Ergaygu wuxuu sidoo kale ka hadlay isbedelka ay ku socoto Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid muuqda oo la taaban karo, isagoo sheegay in dowladda cusub ay horyaallaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay amaanka dib ugu soo celin lahayd.

"Waxaan hubaa in wax walba ay hoggaamin doonto dowladda Soomaaliya, iyadoo isku dayi doonto sidii ay doorkeeda uga soo bixi lahayd. Kismaayo kaliya ma ahan deegaan waxaa ka jira qaababka beeleed kuwa uga murugsan Soomaaliya, waxaa dhici doona wadatashi iyo wada-xaajood, kaasoo keeni doona natiijooyin miro dhal ah," ayuu yiri danjire Mahiga.

Sidoo kale, danjire Mahiga ayaa sheegay in magaalooyinka ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ka qabsanayaan Al-shabaab ay qayb ka yihiin horumaarada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu ammaanka dalka oo dhan ku noqon lahaa mid hagaasan.

Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay 40 saacadood kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya isku dayeen inay dilaan, balse uu ka badabaaday isku daygaas, taasoo uu sheegay inay tahay midda keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu muhiimadda koowaad, tan labaad iyo tan saddexad siiyo wax ka qabasahada ammaanka.

Hadalka danjire Mahiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Muqdisho ka socdaan howgallo ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay ammaanka ugu soo celiyaan iyo muran ka taagan maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya