4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 5 , 2012
Booliiska Soomaaliya, Nabad-sugidda iyo Booliiska AMISOM oo xalay Baaritaanno ka sameeyay Magaalada Muqdisho
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Booliska Soomaaliya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa xalay howlgalo ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Muqdisho kuwaasoo ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo qaarkood lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Howlgalkan oo noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay ka qaybqaataan booliiska AMISOM ayaa laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka ay ka dhaceen falalkii ammaan-darro ee ugu dambeeyay, iyadoo saraakiisha booliiska Soomaaliya ay ka gaasbadeen inay ka warbixiyaan dadkii ay kusoo qabqabteen howgalka.

"Howlgalkan waa mid lagu adkeynayo ammaanka guud ee Muqdisho, waxaana kusoo qabqabannay dad fara badan, wuxuuna ka dhacya dhowr degmo oo Muqdisho ka tirsan," ayuu yiri taliyaha ciidamada

Ciidamadan ayaa waxay howgalkooda ugu xooggan ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa kuwaasoo ah goobaha ugu badan ee ay xilliyadii ugu dambeeyay ka dhacayeen falalka ammaan-darro iyo dilalka qorsheysan.

Goobjoogayaal ku sugan degmooyinkii xalay howgallada laga sameeyay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howgallada sameynayay ay wateen gaadiid dagaal oo fara badan.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, wuu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka ay kusoo qabqabteen howgalladaas, isagoo sheegay in howlgalladan ay soconayaa inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya