3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 4 , 2012
Guddi wasiirro ah oo loo saaray Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay Fatahaadii Webiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Guddi wasiirro ah oo soo qiimaya khasaarihii ka dhashay fatahaaddii webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada Baladweyne ayaa maanta la magacaabay, waxaana guddigaas oo wasiirro ah madax u ah Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya xilkiisu dhammaanayo, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in guddigan ay qiimeyn ku sameyn doonaan fatahaadihii uu webiga Shabeelle sameeyay, kaddibna dowladdu ay gurmad u fdidin doonto.

"Guddigan la magacaabay maanta waxaa madax u ah wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, waxayna sameyn doonaan qiimeyn si dadka reer Baladweyne ee fatahaaddu saameysay loo caawiyo," ayuu yiri C/weli Gaas.

Sidoo kale, Gaas wuxuu sheegay in hay'adaha gargaarka uu ugu baaqayo inay gacan siiyaan dadka waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadaha, isagoo ka mahad-celiyay gacantii ay ciidamada AMISOM, kuwa maamulka gobolka iyo kuwa Itoobiya siiyeen shacabka Baladweyne markii ay fatahaaddu dhacday.

Magaalada Baldweyne ayaa horraantii toddobaadkan waxaa ka dhacay fatahaad waxyeello ballaaran u geystay xaafado ka tirsan magaalada, taasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof, sidoo kalena ay ku baaba'een xoolo fara badan oo nool ayna ku dumeen boqolaal guri.

Guddigan ayaa waxay magacaabiddiisu imaanaysaa xilli uu madaxweynaha Somalia booqasho ku tagay maalin ka hor magaalada Baladweyne, isagoo sheegay inay wixii ay awoodaan ay qaban doonaan, wuxuuna xusay in dhibaatada gaartay shacabka Baladweyne ay tahay mid aad uga xanuunsanayaan.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha xilligiisu dhammaanayo wuxuu soo dhaweeyay qabsahada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, isagoo xusay inay muujinayso in Al-shababa ay ku hungoobeen hadafkoodii ahaa inay dalka kasii wadaan dhibaatada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/4/2012 9:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalka dabaal-deg loo sameynayo sannad-guurgadii 50-aad ee kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska oo ku beeggan todobaadka dambe.

10/4/2012 9:24 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ururka Raaskambooni oo ka mid ah xoogaggii gacanta ku siiyay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya qabsashadii magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Jubbada hoose ayaa sheegay in maamul u sameynta magaalada Kismaayo aysan ahayn mid laga sugayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

10/4/2012 8:25 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay la wareegiddii degmada Kismaayo, ammaanka magaalada Muqdisho iyo fatahaadihii uu webiga shabeelle ee magaalada Baladweyne.

10/4/2012 8:06 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Laanta dambi-baarista booliiska Soomaaliya ee loo yaqaan CID-da ayaa soo bandhigtay maanta 15-qof oo ay sheegtay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen Muqdisho, kuwaasoo ay xustay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

10/4/2012 7:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo howlgallo guriguri ah, iyadoona howlgalladaasi lagu soo qabqabtay tobaneeyo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

10/4/2012 3:31 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay qabashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo, halkaasoo ay toddobaadkan la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM oo iskaashanaya.

10/4/2012 3:30 AM EST
Khamiis, Oktoobar 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakda Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Al-shabaab ayaa ku hanjabay in ciidamada Kenya iyo kuwa la socda aysan ku nasan doonin magaalada Kismaayo ayna la dagaalami doonaan.