4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Dowladda Baritain oo shaacisay in Malaayiin Lacagta dalkeeda ah ay ku taageerayso dowladda cusub ee Soomaaliya
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqay inay 38-milyan oo Pound oo lacagta Ingiriiska ah ku caawinayso dowladda cusub ee Somalia si wax looga qabato dhinacyada ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo cadaaladda, kaddib markii wafdi ka socda dowladda Birtain ay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga ka socda dalka Birtain ayaa waxaa hoggaaminayay wasiiradda horumarinta iyo arrimaha Afrika ee Britain, waxaana kulanka kaddib ay si wadajir ah ula hadlee saxaafadda si ay sharraxaad uga bixiyaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

"Waxaan ka wadahadlanay arrimo ku saabsan cilaaqaadka dowladda Britain iyo tan Soomaaliya, waxaan kaloo ka hadalnay qaabka ay dowladda Ingiriiska u saacidayso shacabka Soomaaliya, waxaana isla garanay in dowladda Soomaaliya ay soo ban-dhigto baahideeda dowladda Britainna ay ka jawaabto," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Britain ay u ballaan-qaaday inay ka caawinayso Soomaaliya dhismaha hay'adaha kala duwan ee dowladda, isagoo intaas raaciyay in wafdiga iyo isagu ay si aad ah iskula garteen inay labada dowladood si toos ah u macaamilaan.

Wasiirradda horumarinta calaamiga ah ee dalka Britain, Justine Greening oo iyaduna la hadashay saxaafadda ayaa sheegtay in dhismaha dowladdan cusub ee Soomaaliya ay tahay fursad dhab ah oo lagu xasilinayo dalka iyo inay yareyso khatar kale oo dhacda.

"Dowladda Britain waxay dowladda cusub ku caawinaysaa 38 milyan oo Pound saddexda sano ee soo socota si wax loogu qabto horumarinta cadaaladda, ammaanka, maareynta dhaqalaaha bulshada iyo waxqabadka dowladaha hoose iyo guud ahaan wax ka qabshada horumarinta arrimaha bulshada," ayay tiri wasiirradda horumarinta Britain.

Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrinaha Afrika ee Britain ayaa isna ku dhawaaqay in Britain ay 10 milyan oo dheeri ah ku caawinayso dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato baahiyaheeda deg-degga ah iyo weliba horumarinta saxaafadda xorta ah.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha Afrika ee Britain wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qorsheynayso inay Soomaaliya ka furato safaaradda dhammaadka sannadka soo socda haddii ammaanka uu noqdo mid sidan kasii wanaagsanaada.

Ma ahan markii ugu horerysay oo wafdi ka socda Britain ay yimaadaan Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, laakiin dhowr jeer ayay wafdiyo ka socda Britain yimaadeen Soomaaliya, kuwaasoo madaxweynaha kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya