4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo deeq gaarsiisay dadkii ku barakacay fatahaadihii Webiga Shabeellle ee Magaalada Baladweyne

Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Oktoobar, 03, 2012 (HOL) --  Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ugu deeqday  lacag dhan ilaa  $100,000 doolar, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadii ku dhufatay dhawaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirkada ayaa gaarsiisay in ka badan 2000 oo qoys deeq isugu jirtay raashin ka kooban, Bur, Bariis, Salaad, iyo bacaha laga galo roobka, waxaana ay ka qeybisay deeqda dhamaan goobihii ay ku barakaceen dadkii ka baxay fatahaada wabiga Shabeelle.

Qoysaskii ka faa’ideystay deeqdan ayaa siweyn u soo dhaweeyay, iyaga oo sheegay in ay heleen waqti ay siweyn ugu baahnaayeen kaalmada noocan oo kale ah, madaama wax kasta oo ay heli kareen ku waayeen biyihiin ku soo rogmaday xaafadihii ay ku noolaayeen.

Mas’uuliyiinta shirkada Hormuud oo la hadllay HOL waxaa ay sheegeen in qorshaha ay ku gargaarayaan dadka dhibaatadu soo food saartay aheyn oo kaliya in ay siiyaan wax ay quutaan, laakiin xitaa loo baahan yahay in laga hagaajiyo sida ay hadalka u dhigeen sixada deegaannada ay hadda ku barakaceen.


"Inta badan magaaladu biyuhu waa ay ku fataheen, kumanaan qoysas ah ayaa dibada uga baxay magaalada, kuwaasoo hadda aan heysan hoy ku filan iyo musqulo ay isticmaalaan, sidaa daraadeed shirkadu intii awoodeeda ah arrimahaa oo dhan waxbey ka qaban doontaa,’’ ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkada Hormuud ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa ay shirkadu sheegtay in xitaa ay isku howli doonto in dadka aan awoodin in ay dib u dayactiraan guryahay ay ka bur buriyeen biyaha ka kaalmeyso arintaa iyada ah, waana qeyb ka mid ah ayeey sheegeen kaalamada ay shirkadu ugu talagashay in lagu caawiyo dadka ku barakacay biyaha ka soo rogmaday wabiga Shebeelle.

Inkastoo ay jiraan hay’addo iyo waliba shirkadu isku howlaya sidii loo samata bixin lahaa dadka ka barakacay magaalada, ayaa haddana marka aad dhinaca kale eegto waxaa la oran karaa kaalmadan ay bixisay shirkada Hurmuud waa tii ugu badneyd oo ay ka faa’ideystaan tiro intaa la eg oo ka mid ah dadkii ugu darnaa oo ay dhibaatada biyuhu saameysay.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya