3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Diyaarado dagaal oo Maanta lagu arkay iyadoo dul heehaabaya Deegaanno ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa lagu arkay iyagoo dul-heehaabaya maanta deegaanno ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay ku haystaan ajnabi ay ku haystaan afduub.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada diyaaradaha lagu arkay ayaa sheegay inay diyaaradahan dhowr jeer kusoo laabteen deegaanka taasoo cabsi weyn ku beertay dadka deegaannadaas ku nool oo u badan xoolo dhaqato.

"Diyaaraduhu waxay kasoo duuleen marakaiib ku sugan xeebaha badweynta Hindiya mana garanayno sababta ay halkan u soo aadeen, balse deegaanka waxaa afduub ahaan loogu haystaa badmaaxiin la socday maraakiib lagu haysto xeebaha gobolka Mudug," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay warbaahinta.

Inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, ayaa haddana waxay diyaarado dagaal dhowr jeer oo hore howlgallo ka fuliyeen deegaanno ku dhow xeebaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha lagu tuhmayo kooxaha burcadbadeedda ah.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa waxay saldhigyo ku leeyihiin barriga, halkaasoo ay ku haystaan ajaanibta la socda maraakiibta iyo kuwo kale oo afduubyo kusoo qabsadaan, si ay uga helaan lacago madaxfurasho ah.

Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab oo inta badan deegaannadii ay ka talinaysay isaga baxday sannadkan iyo kii ka horreeyay, kaddib markii culeysyo milteri la saaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/3/2012 10:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqay inay 38-milyan oo Pound oo lacagta Ingiriiska ah ku caawinayso dowladda cusub ee Somalia si wax looga qabato dhinacyada ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo cadaaladda, kaddib markii wafdi ka socda dowladda Birtain ay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

10/3/2012 10:07 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Oktoobar, 03, 2012 (HOL) -- Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ugu deeqday lacag dhan ilaa $100,000 doolar, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadii ku dhufatay dhawaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/3/2012 10:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho in ka badan laba boqol oo xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday.

10/3/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose aya daggan maanta oo Arbaco kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen shalay gallinkii dambe, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

10/3/2012 3:45 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira wadatashiyo ku saabsan sidii uu kusoo magacaabi lahaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo jagadan ay ku loolamayaan mas'uuliyiin fara badan oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha xilligiisu sii dhammaanayo.