3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 3 , 2012
Madaxweynaha Somalia oo weli ku Mashquulsan wadatashiyo ku aaddan Magacaabida Ra'iisul Wasaaraha iyo Waqtiga oo gabaabsi ah
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira wadatashiyo ku saabsan sidii uu kusoo magacaabi lahaa ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo jagadan ay ku loolamayaan mas'uuliyiin fara badan oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha xilligiisu sii dhammaanayo.


Wadatashiyada uu wado madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay imaanayaa xilli uu gabaabsi yahay waqtiga looga baahnaa inuu kusoo magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasoo laga doonayo inuu soo dhiso xukuumad dalka hoggaamisa.

"Sababaha aan idin kugu imid waa inaan idin kala tashado ra'iisul wasaaraha aan soo magacaabayo. Su'aashuna waa; Ra'iisul wasaarha aan soo magacaabayo sidee doonaysaan inuu noqdo... maxaad doonaysaa inuu qabto... maxaase doonaysaan inuusan taaban ama ka leexdo," ayuu yiri Xasan Sheekh oo la hadlyay waxgarad uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay kula kulmay degmooyinka Baydhabo iyo Baladweyne oo uu booqasho ku tagay.

Maalin walba waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya ruuxa la doonayo in loo magacaabo xilkan, iyadoo mararka qaarkood ay dadku sheegayaan in xilkan laga yaabo in loo magacaabo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka kuwo kalena ay sheegayaan in loo magacaabayo xubno kale oo ku cusub siyaasadda.

Ra'iisul wasaaraha xilligiisu dhammaadka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka mid ah siyaasiyiinta dadaalka xooggan ugu jira in xilkan loo magacaabo, iyadoo la sheegay inuu taageero buuxda ka hayso Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo ciidammo ay kaga sugan yihiin gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay wuxuu wadatashiyo ku aaddan magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub kula yeelanayay Muqdisho waxgarad, siyaasiyiin, ururrada bulshada rayidka ah iyo weliba qaybaha kala duwan ee shacabka oo ay ku jiraan dhallinyarada iyo haweenka, si uu uga helo fikir ku aaddan magacaabista ra'iisul wasaaraha.

Inkastoo aan la ogeyn ruuxa jagadan kusoo bixi doona ayaa haddana dadku waxay mar walba is-weydiinayaan ruuxa xilkan kusoo bixi kara, iyadoo goobaha shacabku isugu yimaadaan intooda badan looga doodayo cidda xilkan kusoo bixi karta.

"Haddii madaxweynuhu uu magacaabo nin horay siyaasadda ugu jiray waxay taasi sababi kartaa in sumcaddiisa ay la dagto. Waajibka madaxweynaha saaran waa inuu si wanaagsan uga fikiro cidda uu xilkan u dhiibayo, waayo xilku waa mid aad u culus," ayaa ka mid ah erayada ay dadku ku sheekeysanayaan.

Xilliyada soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo ra'iisul wasaaraha uu u xusay inuu soo dhiso dowlad dalka hoggaamisa afarta sano ee soo socota, iyadoo xilligii madaxweynaha looga baahnaa inuu ra'iisul wasaaraha kusoo magacaabo uu ku eg-yahay 10-ka bishan Oktoobar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/3/2012 10:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqay inay 38-milyan oo Pound oo lacagta Ingiriiska ah ku caawinayso dowladda cusub ee Somalia si wax looga qabato dhinacyada ammaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo cadaaladda, kaddib markii wafdi ka socda dowladda Birtain ay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

10/3/2012 10:07 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Oktoobar, 03, 2012 (HOL) -- Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ugu deeqday lacag dhan ilaa $100,000 doolar, dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay Fatahaadii ku dhufatay dhawaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/3/2012 10:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho in ka badan laba boqol oo xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday.

10/3/2012 8:11 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa lagu arkay iyagoo dul-heehaabaya maanta deegaanno ka tirsan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay ku haystaan ajnabi ay ku haystaan afduub.

10/3/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 03, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose aya daggan maanta oo Arbaco kaddib markii ay qaraxyo ka dhaceen shalay gallinkii dambe, kuwaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.