4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne


Sabti, Oktoobar, 20, 2012 (HOL) – Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne.

 

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha AMISOM ayaa looga hadllay arrimo la xiriira amniga, fatahaada magaalada, iyo dhisme ka socda garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyn.

 

Col. Cismaan Dubbad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee  ku sugan magaalada Baladweyne oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen iyaga odayaasha dhaqanka sidii leysaga kaashan lahaa sugida nabad-galyada magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobollka Hiiraan.

 

‘’Annaga doorkeena halkan waa sidii aan nabad-galyada u sugi laheyn, sidaa daraadeed kulankeena maanta arintaa ayaan uga wada hadalnay annaga iyo odayaasha, runtiina waan isku afgaranay dhamaan qodobadii aan isla soo qaadnay ayuu yiri,’’ Col. Cismaan Dubbad.

 

Sidoo kale, waxaa uu soo hadal qaaday tababar ay doonayaan in ay u furaan ciidamada AMISOM dhalinyarrada aan u habeysneyn qaabka Dowliga ah ee  ku kala firirsan magaalada, isaga oo sheegay in arintaasi ay noqoneyso qeyb ka mid ah qorshaha la doonayo in wax looga qabto nabad-galyada.

 


‘’Waxaa jira dhalinyarro aan tababarneyn oo hub sita, waxaan dooneynaa in aan u furno tababar, si markaa ay qeybtooda uga qaataan sugida amniga,’’ ayuu yiri,’’ Col. Cismaan Dubbad.

 

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday arinta fatahaada inta badan ku soo noq noqta magaalada Baladweyne, taasoo sida uu sheegay dhibaato ba’an ku heysa dadka rayidka ah, waxaana uu soo hadal qaaday in ay ka fikiraayaan sidii looga weecin lahaa magaalada biyahan soo noq noqda ee  ka soo rogmada wabiga Shabeelle.

 

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyna ayuu sheegay in sidoo kale ay ka wadaan dhisme dib loogu dayartirayo, simarkaa garoonku uu u noqdo mid ay adeegsan karaan diyaaradaha xamuulka qaada.

 

Odayaashii maanta ka qeyb-galay kulanka saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan qodobada ay kala hadlleen saraakiisha iyo qorshayaasha ay u dajiyeen sugida amniga, iyaga oo balan-qaaday dhinacooda in ay arintaa gacan ka geysan doonaan.

 


Nabadoon Max’ed Cabdi Raaxooy ‘’Gacamey’’ oo la hadllay warbaahinta ayaa sheegay in dhinacooda wixii gacan ah oo looga baahdo ka geysan doonaan wax ka qabashada amniga, isaga oo sheegay in odayaashu ku caawin doonaa saraakiisha midowgga Africa sidii loo suurtagalin lahaa qodobada laga wada hadllay.

 

Kulanka maatan ku dhaxmaray magaalada Baladweyne saraakiisha ciidamada midowgga Africa iyo odayaasha dhaqanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo dhaxmara labada dhinac tan iyo markii ay magaalada Baladweyne gaareen ciidamada dalka Jabuuti.



 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya