3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya

Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii safiirnimo ka guddoomay danjiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso; kaddib booqasho uu maanta ku yimid Muqdisho.

Dajirahan Midowga Yurub ay u soo magacaabeen Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay u soo magacaabaan Soomaaliya 21-sano kaddib, iyadoo Midowga Yurub ay dhawaan sheegeen inay wax ka bedelayaa qaabkii ay Soomaaliya kula shaqeyn jireen.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire d'Urso ayaa waxay kulan muddo socday ku yeesheen madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo ay kaga hadleen xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyagoo isla gartay in xiriirkaas la adeeyo.

Cabdullaahi Xaaji oo ah sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu uu maanta ka guddoomay warqadihii aqoonsiga dajiraha cusub ee Midowga Yurub, isagoo ku sheegay hadalkiisa in tani ay dhabbaha u xaarayso xiriirka cusub ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Intaa kaddib waxaa saxaafadda la hadlay danjire d'Urso oo hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay in loo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya kaddib muddo 20-sano ah oo Soomaaliya ay ka jireen qalalaase iyo colaado, sidoo kalena uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomo warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo.

Danjiraha oo laba jeer oo hore Muqdisho yimid ayaan sheegay in xaaladda Muqdisho ay aad uga duwan tahay sidii ay ahayd wixii ka horreeyay sannadkan, balse ma uusan sheegin inuu ku shaqeyn doono Muqdisho iyo in kale.

Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore, markaasoo ay xoogaggii Al-shabaab isaga baxeen inta badan degmooyinka Muqdisho oo ay ka taliyeen ayaa waxay dalalka caalamku sheegayeen inay safaaradahooda dib uga furayaan Muqdisho, inkastoo ay si rasmi ah uga furteen dalal kooban oo ay ku jirto Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/20/2012 10:20 AM EST
Sabti, Oktoobar, 20, 2012 (HOL) – Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne.

10/20/2012 8:47 AM EST
Sabti, October 20, 2012(HOL): Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay caasimadda dalka Finland ee Helsinki shir laba maalmood socday kaasoo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka socday dalladda (Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations) oo ah dallad ay ku mideysan yihiin affar urur oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala dhisan dalalka Norway, Swedan, Denmarka iyo Finland.

10/20/2012 8:26 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto ammaanka Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ay waddo AMISOM inta laga gaaraya hadafka laga leeyahay.

10/20/2012 7:19 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kulan oo looga hadlayay isbedelka ka dhacay degmada Marko kaddib markii Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa ka qaybgalay waxgaradka, odayaal, dhallinyaro, aqoon-yahanno, haween iyo ganacsatada degmada.

10/20/2012 7:02 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in sanad kadib ay Puntland ka qabsoomaan doorashooyin ku dhisan nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa soo badanaya tirada siyaasiyiinta sheegay in ay u tartami doonaan xilka madaxweyne nimada ee Puntland.

10/20/2012 6:54 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.

10/20/2012 6:41 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Gellinkii danbe ee shalay waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug soo gaarey, si weynna loogu soo dhoweeyey, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

10/20/2012 4:17 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, kaddib markii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay ka dalbadeen inay isaga baxaan garoonka si bisha Diseember ee sannadan ay uga billowdaan ciyaaraha kubada cagta.

10/20/2012 3:55 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay korortay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee galaya dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, iyadoo ha'yaddu ay sheegtay inay xeradii lixaad ka furayaan deegaanka Dollo-Adow ee Koonfurta dalka Itoobiya oo ay ku yaallaan xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah.

10/20/2012 3:32 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, toban kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo shalay gallinkii dambe iyo xalay lagu kala weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos oo ka tirsan degmada Hodan iyo maqaayad cunnada lagu cuno oo ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

10/20/2012 3:13 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khadka taleefoonka kula hadlayay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka iyo howlaha ay xukuumaddiisu qabanayso 100 maalmood ee ugu horreysa.

10/20/2012 3:12 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada Kenya ayaa xalay lagu furay rasaas isagoo howl lagu sugayo ammaanka ka waday gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in askarigaas uu dhaawac fudud gaaray.

10/20/2012 3:11 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Kismaayo ku dilay xalay nin ganacsade ah oo magaciisa lagu soo koobay Cali, kaasoo ka mid ahaa dadka ka ganacsada sariiraha, iyadoo sidoo kale uu xalay iska-horimaad xooggan uu isla xalay ka dhacay koontaroolka magaalada Kismaayo oo dhinaca waqooyi ku yaalla.

10/20/2012 2:29 AM EST
Sabti, October, 20, 2012 (HOL)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay galab u anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay socdaal fasax gaaban ah, isago ka dhoofay madaarka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.