4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda

Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kulan oo looga hadlayay isbedelka ka dhacay degmada Marko kaddib markii Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa ka qaybgalay waxgaradka, odayaal, dhallinyaro, aqoon-yahanno, haween iyo ganacsatada degmada.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka hadlay maamulka Marka, kuwaasoo iyagu hoosta ka xariiqay kulamada noocaan ahi inay gacan ka geysan karaan horumarka bulshada ku dhaqan degmadaas oo 90-km koonfur kaga beegan Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Marka, Axmed Macallim C/raxmaan (Cukaash) ayaa kulanka ka sheegay in kulammadan ay billow yihiin horumarka bulshada ku dhaqan degmada Marko, wuxuuna ku booriyay ka qayb-galayaasha inay ka dhabeeyaan go'aannada ay kulanka ku gaarayaan.

"Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad qaadataan barnaamijyo ka duwan kuwii ka jiri-jiray halkan markii ay Al-shabaab ka talinaysay, waxaadna diiradda saarteen nabadda," ayuu yiri Cukaash oo xusay inay xaaladda ammaan ee degmadu ay kasoo raynayso.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD, taasoo dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ku qabtay degmadaas kulammo ay kaga tashanayeen aayahooda dhallinyarada, waayeelka iyo haweenka degmadaas ku nool.


"Maalin kasta waxaanu qabannaa dhallinyaro; waxaana marag madoonto ah inay yihiin kuwo ka mid ah dadka deegaanka, waayo qoyskii ugu liita qof ayaa uga jira Al-shabaab. Ogaada inaan la sii dayn doonin qofkii Al-shabaab ka tirsan ee la qabto," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marko.

C/llaahi Faarax Maxamed oo ah xiriiriyaha hay'adaha samafalka magaalada Marka ee gobolka Shabeellada hoose ayaa bulshada degmadaas ku nool ugu baaqay inay muujiyaan isku-duubni taasoo uu sheegay in lagu gaarayo nabad waarta haddii qof waliba xil iska saaro doorka uga aaddan adkeynta amniga.

"Dhallinyarada Marka ee Al-Shabaab ku biiray waxaan u ballanqaadayaa haddii ay kasoo laabtaan inaan u abuurno shaqooyin, gaar ahaan hay'adaha samafalka ee ka howlgala Marka," ayuu yiri Cabdullaahi Faarax oo dhinaca kale shaaca ka qaaday in hay'adaha ku sugan magaalada Marka ay yihiin kuwo aad u yar, balse xilliyada dhow ay dib ugu soo laaban doonaan.


Caaqil Cabdi Jeylaani Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Marka ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ay siinayaan nabad ka dhacda daegmada; wuxuuna tilmaamay in ururrada bulshada rayidka ah ee degmada ay kulamo joogto ah ka yeeshaan amniga magaalada iyagoo la kaashanaya ciidamada nabadgelyada.

"Maanta waxaynu joognaa iyadoo Al-shabaab aysan ka talinayn degmada kaddib afar sano oo ay gacanta ku hayeen," ayuu yiri Xersi Maxamed Kulane oo ka tirsan odayaasha degmada Marka, isla markaana ku sugnaa degmadaas intii Al-Shabaab ay gacan ku hayeen.

Sidoo kale, Xersi Kulane wuxuu sheegay in odayaasha degmada Marka qaarkood ay weli ku jirto cabsi ay ka qabaan in dhibaato uga timaaddo Al-Shabaab haddii ay ka hadlaan xaaladda degmada ay ku sugan tahay iyo sida loo baahan yahay inuu noqdo ammaankeeda.


"Al-shabaab waxay dhallinyarada ku borrin jireen aabahaa soo dil, adeerkaa soo dil, abtigaa soo dil; wiilkuna wuu aqbalayaa hadalladaas, Ilaah baan idinku dhaarshaye arrintaas ma saxbaa?" ayuu isweydiiyay nabadoonka oo sheegay in weli Marka ay ku sugan yihiin rag habaari jiray dowladda una duceyn jiray Al-shabaab.

Dhinaca kale; kulanka waxaa ka hadlay xubno ka socday ururrada bulshada rayidka degmada Marka, kuwaasoo iyagu tilmaamay tallaabooyinka ay tahay in la qaado mar haddii Al-shabaab laga saaray degmada, iyagoona dalbaday in kulammadan oo kale ay noqdaan kuwo joogto ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya