4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.

Dilka oo ka dhacay magaalada King Wilmes oo ka tirsan gobalka Eastern Cape ayaa waxaa la sheegay in dhallinyarada dilka geystay iyo wiilka ay dileen uu u dhexeeyay muran ganacsi, kaasoo ugu dambeyn keenay in la dilo wiilka dhallinyarada ah.

"Marxuumka la dilay waxaa lagala dagay gaari uu watay, iyadoo surka looga dhuftay tooreey ama billaawe, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyood," ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada uu dilku ka dhacay.

Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Bile qoorta looga jaray mindida, balse waxaa laga war-sugayaa booliiska oo hadda gacanta ku haya maydka wiilka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed.

Dhallinyaradan ayaa wuxuu murankoodu salka ku hayay meherado ganacsi oo ay ka furteen meelo isku dhow, iyadoo dalka Koonfur Afrika ay caado ka noqotay in lagu dagaalamo maxaa dukaankaaga ganacsi iigu soo dhaweysay.

Booliiska Koonfur Afrika oo hareereeyay halkii uu dilku ka dhacay ayaa maanta la wareegay meydka marxuumkii xalay la dilay, iyagoo sheegay inay baaritaano deg-deg ku sameyn doonaan qaabkii loo dilay muwaadinkan Soomaaliyeed iyo cidda ku gacan-siisay dhalliyarada Soomaaliyeed ee dilka geystay, kuwaasoo si fudud uga baxsaday halkii ay dilka ka geysteen.

Falkan ayaa wuxuu noqnoayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca dalka Koonfur Afrika, halkaasoo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo ganacsi ku haysta, waxaana dilkan uu imaanayaa iyadoo Soomaalida ay kooxaha burcadda ah ku ugaarsanayaan goobaha ay dukaamada ku leeyihiin.

C/risaaq C/llaahi Indha-Jaceyl
E-mail: [email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika