4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey

Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Gellinkii danbe ee shalay waxaa magaalada Gaalkacayo  ee xarunta gobolka Mudug soo gaarey, si weynna loogu soo dhoweeyey, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Gal-mudug, Isimo iyo dad weyne  tira badan oo metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa Prof. Gaas iyo wefdigiisa kasoo gelbiyey garoonka, una soo kaxeeyey dhinaca guriga loo asteeyey in uu ku dego, oo ah hoygii uu magaalada Gaalkacayo ka degenaan jirey madaxweynihii hore ee dalka, AHN Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Mudane Gaas oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa sheegay in  socdaalka uu xiligan magaalada Gaalkacayo kusoo gaarey uu yahay mid salka ku haya; sidii uu ugu kuur geli kalaa xaaladda gobolka uu kasoo jeedo ee Mudug, isagoo xusay in intii uu xilka Ra’iisul wasaaraha hayey aysan marna u suurta gelin in uu helo fursad noocan oo kale ah.


“Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaado soona booqdo gobolkan oo aan xildhibaan u ahay, dhowr jeer oo hore ayaan nimid; xiligii aan wadney Roadmapka, balse in hada anigoo xildhibaan ah aan imaado aad baan ugu faraxsanahay” xildhibaan Cabdiweli Gaas ayaa yiri.

Wuxuuna ugu danbeyntii hadalkiisa kusoo afmeeray in uu tegi doono meelo badan oo kamid ah Puntland, islamarkaana u la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada una kuur geli doono xaaladda guud ee dalka.

“Fursad uma helin hadda kahor in aan tuulo kasta iyo degmo kasta tago, hadda kadibse waxan isku deyi doonaa inaan soo booqdo meelo badan, shacbigana aan is waraysano, aniguna aan u waramo waxii aan soo qabtay iyo meesha ay xaaladda dalku marayso, iyagana xaaladooda dhabta ah aan ogaado, intaas un baan u imid”.


Sanadkii lasoo dhaafay ee 2011 dabayaaqadiisii ayey ahayd markii ugu danbeysey ee Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo xiligaas ahaa Wasiirka 1-aad ee xukuumaddii kumeel gaarka ahaydi uu Puntland booqasho ku yimaado.

Waxaana xusid mudan in qaar badan oo kamid ah dadka siyaasadda Puntland ka faaloodaa ay rumeysan yihiin in Cabdiweli Gaas uu leeyahay damac siyaasadeed oo ku aadan hogaanka dowlad goboleedka Puntland, xilli dhowaan la filayo in isbedel siyaasadeed oo Dimuqraadi ahi uu ka dhaco.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya