4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Kismaayo ku dilay xalay nin ganacsade ah oo magaciisa lagu soo koobay Cali, kaasoo ka mid ahaa dadka ka ganacsada sariiraha, iyadoo sidoo kale uu xalay iska-horimaad xooggan uu isla xalay ka dhacay koontaroolka magaalada Kismaayo oo dhinaca waqooyi ku yaalla.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qofka rayidka ah lagu dilay halka lagu magacaabo Via Afmadow oo ku taalla bartamah Kismaayo, iyadoo kooxaha dilka geystay oo ahaa dhallinyaro bastoolado ku hubeysan ay markiiba goobta ka baxsadeen.

"Xaaladdu waa kacsan tahay, waxaana lagu dilay Kismaayo nin ganacsade ah, tani waxay noqonaysaa habeenkii labaad oo magaalada gudaheeda uu ka dhaco dil," ayuu yiri Cali Faarax oo ka mid ah dadka degmada Kismaayo ku nool.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa la sheegay in howgallo ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay kawadeen Kismaayo ay ku qabqabteen 51-qof oo ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, waxayna sheegeen in dad la qabtay ay jiraan balse baaritaanno adag ay mari doonaan.

Magaalada Kismaayo oo horraantii bishan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee Kenya ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo xilligaas dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan, kuwaasoo saraakiisha dowladdu ay ku eedeeyeen inay ka dambeyso Al-shabaab.

Dhanka kale, waqooyiga degmada Kismaayo ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo ku sugnaa Koontaroolka magaalada iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Shacabka Kismaayo ku nool qaarkood ayaa sheegaya inay maqlayeen xalay oo dhan madaafiic ka dhacaysa dekedda magaalada Kismaayo, taasoo ay sheegeen inay u dhacaysay dhinaca waqooyi ee magaalada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya