4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 20, 2012
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta

Sabti, October, 20, 2012 (HOL)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay galab u anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay socdaal fasax gaaban ah, isago ka dhoofay madaarka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo ujeedada safarkiisa uu ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta ku sheegay inuu hawlo u gaar ah u tagayo, isla markana shirar la yeelan doona jaaliyadda reer somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan dalkaasi, isago sharaxaya ujeedada safarkiisa waxa uu yidhi “Waxaan u baxayaa safar fasax yar oo gaaban ah oo illaa todoba cisho ah oo aan ku tagayo dalka Imaaraadka carabta”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “waxaanse mudada aan dalkaasi ku sugan nahay aan kulamo la yeelan doonaa shacbiga Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka iyo dawlada Imaaraadka Carabtaba xubno ka mid ah oo ay ka mid yihiin Ha’yada bisha Cas ee imaaraadka ee toban ceel inooga qoday duleedka Hargeysa.”.

“Waxaynu dhawaan galaynaa doorashadii deegaanka, Waxaan leeyahay doorashadani waa mid aynu ugu tartamayno uun maamulka degmooyinkeenna, Waxaan u soo jeedinayaa dadweynaha inay u diyaar garoobaan oo ay codkooda bixiyaan, isla markaana doorashadda laga ilaaliyo wixii cunfi ah iyo is qab-qabsi ah.”ayuu yidhi mar uu la dardaarmayey dadweynaha si doorashada golaha deegaanka nabadgalyo u galaan.

Madaxweyne ku xigeenka oo la dardaarmaya ururada iyo xisbiyada tartankaasi dhexmari doono waxa uu yidhi “Waxaynu qaran ahaan rajaynaynaa in doorashadu inoo dhacdo si xor iyo xalaal ah, Ururadda siyaasada iyo xisbiyada ka qeyb-gelayana waxaan leeyahay ilaaliya oo dhawra Nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka,”

Madaxweyne Ku xigeenka waxa madaarka Berbera ku sii sagootiyay Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah madaxda laamaha dawladda ee gobolkaasi.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa isna hore fasaxiisii ku soo qaatay dalka ingiriiska, kaas oo markii dambana kulan la yeeshay jaaliyadda Somalilnad ee dalkaasi ku sugan.

 Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland