4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Shirkadda Xawaaladda Amaana oo deeq loo wakiishay gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne iyo Daafaheeda

Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay  fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad  ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.

Kaalmada shirkada Xawaalada Ammaana ay u qaybisay dadka dhibaateysan ayaa ka timid saddex jaaliyadood oo kala ah: jaaliyadda Hiiraan ee Dubai oo ku deeqday lacag dhan ilaa $2000 oo doolar, jaaliyadda Hiiraan ee Bristol UK oo bixisay $5050 doolar iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark oo soo dhiibtay deeq lacageed oo dhan illaa $2380.

Xassan Ibraahim Xalane oo ah mas’uulka shirkada  Ammaana ee magaalada Baladweyne ayaa  HOL u sheegay in deeqdan oo dhowr nooc isugu jirtay la gaarsiiyay Qoysas siweyn ugu baahnaa iyo  Bukaanada Jiifa Isbitaalka magaalada.


"Qoysas gaaraya ilaa 155 qoys oo ku noolaa deegaanno ku dhow-dhow degmada Baladweyne, waxaa loo qeybiyay deeq raashin ah oo ka koobnaa bur, bariis, sokor, iyo saliid, waxaan ku soo xulanay qoysaskaas sida ay u sii kala liiteen, ayuu yiri,’’ Xassan Ibraahim.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ilaa 85 bukaan ah oo jiifa isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne la gaarsiiyay deeq ka koobneyd    Timir, Gasac Caano ah, iyo waliba Oomo ay u isticmaalaan nadaafada, iyadoo mid walba oo ka mid ah bukaanadaas sidoo kale la siiyay lacag dhan ilaa $ 20 doolar.

Mas’uulka shirkada Ammaana ee magaalada Baladweyne waxaa uu intaa ku darray in dhamaan tasiilaadka ku baxay qeybinta deeqdan ay soo direen Jaaliyadaha dibada ay bixisay shirkada Ammaana.


Dhamaan marka la eego dadkii ka faa’ideystay gargaar la gaarsiiyay ayaa siweyn uga mahad celiyay kaalmada ay heleem, iyaga oo ku amaanay shirkada Xawaalad Ammaana sida ay mar walba u bar bar taagan tahay dadka jilicsan.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya