4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Hay'adda Wadahadalka Bulshada oo Dhallinyarada ku nool Degmada Marko u Qabatay kulankii ugu Horreeyay oo Wacyi-gelin ah

Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 200 oo ka kala yimid degmada Marko iyo deegaanno ku dhow-dhow ayaa markii ugu horreysay loogu qabtay maanta degmada Marko kulan wacyi-gelin ah.

Kulankan oo ka dhacay xarunta waxbarashada Jabriil Macallim Barrow ee magaalada Marka ayaa waxaa ka qaybgalay madax ka tirsan degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose, ururrada dhallinyarada, culummo, aqoon-yahanno iyo maamulka Marka.

Guddoomiyah degmada Marko, Axmed Macallim Cabdiraxmaan (Cukaash) oo hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay dhallinyarada kulanka ka qaybgalay ayaa u sheegay in loo baahan yahay inay qayb ka qaataan sugidda ammaanka deegaanada ay ka kala yimaadeen.

“Hay’adda CCD waxaan uga mahad-celinayaa sida ay u abaabushay isuguna duba-riday kulanka ay dhallinyarada isugu yimaadeen," ayuu yiri Axmed Cukaash oo intaa ku daray inay dhallinyarada u diyaariyeen garoommadii ay kubadda ku ciyaari lahaayeeniyo iskuulladii ay wax ku baran lahaayeen.

Xiriiriyaha hay’adaha samafalka ee degmada Marka, Cabdullaahi Faarax Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay kulanka ay isugu yimaadeen dhallinyarada degmada iyagoo aan colaad ka  shaqeynayn.

Xiriiriyaha ayaa dhallinyarada ku boorriyay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana wacyi-geliyaan asaaggooda ay marin habaabiyeen kooxda Al-shabaab, isagoo kula dardaarmay dhallinyarada inay soo saaraan dembiilayaasha ku dhex dhuumanaya.


Waxaa kulanka dhallinyarada loogu qabtay Marka khudbad ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka degmadaas ee dhinaca dhaqaalaha, Maxamed Cusmaan Cali oo kula dardaarmay dhallinyarada inay wax kasta ku guuleysan karaan haddii ay isku duubni muujiyaan, wuxuuna caddeeyay inay sameynayaan amaba maamulka degmada uu fulinayo wax kasta oo dhallinyaradu horumar ku gaari karto, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhawaan Marka ay ka furayaan tartan isboorti oo ku saabsan is-dhex-galka bulshada ku nool gobolka Shabeellada Hoose.

Abwaan Axmed Cawil Maxamuud oo ka mid ahaa dhallinyaradii kulanka ka qayb-galayay ayaa halkaas kasoo jeediyay tixo gabay ah oo soo jiitay dareenka dadkii kulankaas ku sugnaa, isagoo abaalmarin lacageed ku muteystay gabaygaas.


Dhinaca kale; kulanka lagu qabtay degmada Marka ayaa waxaa aragtiyo kala duwan kasoo jeediyay halkaas dhallinyaro, iyagoona ka codsaday hay'adda CCD inay sare u qaaddo kulammada ay u qabanayso dhallinyarada Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya