3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo degmada Wadajir ku toogtay guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka Degmadaas
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dalbley ku hubeysan bastoolado ayaa saakay si gaadmo ah ugu dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in guddoomiye waaxeedka la dilay lagu weeraray goob uu fadhiyay, iyadoo kooxaha dilka geystay lagu sheegay inay ahaayeen saddex dhallinyaro ah oo markiiba baxsaday.

"Dilku wuxuu dhacay saakay aroortii waxaana geystay dhallinyaro barstoolado ku hubeysan, xaaladdu mar qura ayay isbedeshay," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay, isagoo sheegay in ciidammo ka tisran dowladda ay goobta soo gaareen dilka kaddib.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay guddoomiye waaxeedka ka tirsan degmadaas, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka loo geystay guddoomiye waaxeedkan oo ka dhigaya mas'uuliyiinta lagu dilay degmadaas kii afaraad tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Sidoo kale, ma jirto cid loo qabtay dilkaas, iyadoo aysan ciidamadu sameyn wax baaritaanno ah markii uu dilku dhacay, waxaana maydka goobta ka qaaday askar ka tirsan kuwa degmada Wadajir.

Degmada Wadajir oo ka mid ah degmooyinka ay ku xooganayd dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay billowdeen dagaalladii Al-shabaab iyo dowladdii hore ku dhexmaray Muqdisho, waxaana degmadaas lagu dilay afar wariye oo ka shaqeynayay qaybaha kala duwan ee warbaahinnada Soomaalida, iyadoo kuwo kalena lagu dhaawacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/18/2012 8:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska shaqada, kaddib munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalay.

10/18/2012 8:06 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u dhigay maanta ansixinta miinaasiyad loogu talogalay inay dowaddu ku shaqeyso bilaha ka haray sannadkan 2012, kaddib doodo adag oo ay xildhibaannadu ka yeesheen miisaaniyaddan.

10/18/2012 7:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Khubaradii caalamiga ahaa ee ka socotay ururka EPAF ee Baadha xasuuqyadda caalamka ka dhaca, ayaa soo gabogabaysay xabaal-wadareedyado ay muddo bil ah ka baadhayeen koonfurta magaaladda Hargeysa, iyagoo qalfoofkii dadkaasi la laayey isku ururiyeen, isla markaana 38 qof oo ku jiray xabaashaasi qof walba xubnihii lafihiisa isku habeeyey si loo garto cida uu yahay iyo eheladoodda.

10/18/2012 7:53 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray balaadhinta baahintii Idaacada Radio Hargeysa oo lagu rakibay War-laliye weyn oo dunida laga dhagaysan doono, kaas oo wax ka tari doona baahidda loo qabay dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa oo labaatankii sanadood ee u dambeeyey aan dhaafin dhagaysigeeddu magaaladda Hargeysa iyo agagaarkeedda.

10/18/2012 7:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Ammaana oo maalmihii ugu dambeeyayba si weyn ugu mashquulsaneyd caawinta dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne ayaa deeqo kala duwan gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne iyo goobaha ku dhow-dhow.

10/18/2012 6:45 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.

10/18/2012 6:43 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Dhallinyaro tiradoodu gaarayso 200 oo ka kala yimid degmada Marko iyo deegaanno ku dhow-dhow ayaa markii ugu horreysay loogu qabtay maanta degmada Marko kulan wacyi-gelin ah.

10/18/2012 2:40 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay sii socon doonaan dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab inta kooxdan laga adkaanayo ama dalka oo dhan laga saarayo.

10/18/2012 2:38 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannad baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasoo ay kaga doodayaan miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota.

10/18/2012 2:37 AM EST
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa diiday inay dalkeeda galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.