4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Baarlamaanka oo Maanta ka doodaya Miisaaniyadda ay Dowladda Somalia ku shaqeyn doonto saddexda bilood ee soo Socota
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xildhibaannad baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasoo ay kaga doodayaan miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso  saddexda bilood ee soo socota.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxay kulankooda uga doodi doonaan nuqullo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda iyo lacagta oo shalya loo qaybiyay, si ay go'aan cad uga qaataan, iyadoo lagu wado in isla maanta ay codka u qaadaan.

"Waxaan maanta ka doodi doonnaa miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socda. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in baarlamaanka la hor-keeno miisaaniyadda sannadkas oo socda ay dowladdu ku shaqeyn doonto si cod loogu qaado," ayuu yiri xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka.

Kulanka uu baarlamaanku kaga doodayo miinaasiyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyn doonto bilaha soo socda ayaa wuxuu noqonayaa ajandihii u horreeyay oo xildhibaannadu ay ka doodaan, iyadoo horay uu Prof. Jawaari u sheegay in qodobka ugu horreeya ee ay ka doodi doonaan uu noqonayo dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka.

Arrinta sida aadka ah isha loogu hayo ayaa waxay tahay lacagaha ku baxaya xafiisyada madaxweynaha, kan guddoomiyaha baarlamaanka iyo midka ra'iisul wasaaraha; iyadoo la xusuusto in xafiisyadii madaxdii hore ay ku bixi jireen in ka badan 10-milyan oo doollar sannad walba.

Kulanan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shalay la ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, waxaana kulankan iyo kii ka horreeyay ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo laba maalmood oo isku xigta uu yeesho baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya