4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 18, 2012
Xukuumadda Masar oo dalkeeda u diiday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya
Khamiis, Oktoobar 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa diiday inay dalkeeda galaan Soomaali kasoo carartay dagaallada ka socda dalka Suuriya, kaddib markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Masar shalay oo Arbaco ahayd iyadoo wata dal-ku-gal ama fiisooyin sharci ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, C/llaahi Cali Afrax ayaa sheegay in dadkaan dib loogu celiyay dalka Suuriya, isagoo sheegay in lagu celiyay goobo colaado ay ka jiraan oo ay markii horeba naftooda kala soo carareen.

"Soomaalidan kasoo cararay dagaallads Suuriya waxay dhammaantood wateen fiiso ama dal ku gal ay kasoo qaateen safaaradda Masar ee Suuriya, socdaalkoodu ma ahayn mid sharci-darro ah, lamana garanayo sababta dib loogu celiyay, runtiina waa tallaabo aan aad uga xunnahay," ayuu yiri dajire Afrax oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Qaahira.

Dadkan Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaallada Suuriya ayaa waxay isugu jireen qoysas iyo arday wax ka baranaysay dalka Suuriya, waxayna u adkeysan waayeen dagaalka ka socda dalkaas ee u dhexeeya dowladda iyo kooxaha muraacadka ah oo kusii fidaya magaalooyinka Suuriya oo dhan.

"Waxaan xiriir la sameynay xukuumadad Masar, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda si wax looga qabto arrintan, waxayna saraakiisha dalkaas ballanqaadeen in wax laga qaban doono arrimahan oo kale," ayuu yiri danjiraha.

Qoyas badan oo Soomaaliyeed ayaa horay uga cararay dagaallada ka socda dalka Suuriya, waxaana qoysaskaas ay qaarkood galeen dalalka dariska la ah Suuriya sida dalka Turkiga, iyadoo kuwo kalena ay aadeen dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo ay markii hore ka yimaadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya