4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Ururka SEUKI oo hoggaan cusub u doortay Ciyaaraha xagaaga soo socda


Isniin, October 15, 2012(HOL): Ururka Dhallinyarada, Cayaaraha iyo Dhaqanka Yurub ee SEUKI oo ah ururka soo qabanqaabiya cayaaraha kubadda cagta ee xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa wuxuu doortay maamul cusub oo ururka hoggaamin doona tan iyo xagaaga soo socda ee 2013.

 

Xaflad lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee  ururka oo ka dhacday Stockholm ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahweeynta Isboortiga ee magaalada Stockholm oo isugu jiray gabdho iyo wiil iyo sidoo kale odayaal iyo kooxaha deggan Stockholm ee ka qeyb qaata tartanka uu soo qabanqaabiyo ururka SEUKI.

 

Sanadkan ayaa waxaa guddoomiye loo doortay Feysal Makaraan, kaasi oo xilka kala wareegay guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Ururka Cabdi Casiis Xuseen Cigaal , iyadoo sidoo kalena la dhameystiray xubnaha kale ee ururka, kuwaasi oo loo doortay sida hoos ku qoran:

 

Feysal Makaraan                                            Guddoomiye

 

Ahmadeey Barseeye                                       Guddoomiye ku xigeen

 

Abdihodan Afrah                                             Xoghaye

 

Abdiwali Maalin                                              Qasnaji

 

Abdi Azizi Hussein Egal ( Daalo )                    Arrimaha Dhalinyarada

 

Bile Cali Xamaali ,Sacad Geedi , Seef              Farsamada

 

Axmed Saalax Diinaash                                   Garsoorka

 

Maxamed jaamac ( MJ                                    Xiriirka Warbaahinta

 


Xafladda caleemo-saarka oo uu xiriirinayey xoghayaha ururka SEUKI Abdihodan Afrah waxaa markii ugu horeeysay aayadaha quraanka ku furay Sabriye Gaaboow oo ka mid ah odayaasha Isboortiga Sweden , kaddib waxaa halkaa ka hadlay hay’adaha ururka ka caawina dhanka dhaqaalaha oo uu ugu horreeyey Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ka socday shirkadda xawaaladda Dahabshiil , Ibrahim Buraale oo isna ka socday islamiska förbundet iyo Iskolka Al Azhar , iyo Maxamed Cabdi oo ka socday xawaaladda Sahal Express.

 

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay cayaaryahnkii hore kooxda Jeenyo Bashiir Jeenyo , Sahra Barqadle oo ka socotay Ururka Xaawo Taako iyo Cali Garaash, waxaana kaddib halkaa loogu mahad celiyey guddoomiyihii hore ururka Cabdicasiis Daallo, iyadoo looga mahadceliyay shaqadii uu soo qabtay, waxaana xilka lagu wareejiyey guddoomiyaha cusub Mr Feysal Makaraan.

 

Guddomiyaha cusub ayaa wax xoogaa ka warbixiyey howlaha ururka ku soo foolka leh iyo u diyaargaroowga cayaaraha xagaaga SEUKI 2013. Xafladdan oo lagu qabtay Jubba Restaurang ayaa ku dhacday jawi farxadeed.