4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Warar ku saabsan Qof Shacab ah oo lagu dilay Jubbada Hoose, Qof kale oo lagu dilay IFO iyo Gaari iyo dad laga soo afduubay Kenya
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose iyo xerada Qoxootiga IFO ayaa waxay sheegayaan in halkaas ay ka dhaceen dilal loo kala geystay laba qof oo shacab ah, iyadoo sidoo kale gaari iyo afar Kenyan ah maalin ka hor laga afduubay deegaan ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta ku dilay gudaha deegaankaas nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray Dhaqane Jiiroow, kaasoo la sheegay inay ka shakiyeen.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamadu ay si wadajir ah u toogteen ninkaas, iyadoo arrintan ay aad uga qayliyeen dadka ku nool deegaankaas oo ku dhow xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, kooxo hubeysan ayaa ku dilay suuq ku yaalla xerada IFO maanta nin ka tirsan guddiga ammaanka xeradaas oo lagu magacaabi jiray, Mahad Maxamed Saacid, iyadoo kooxihii dilay ay halkaas ka baxsadeen.

Qoxootiga xeradaas ku jira qaarkood ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku hubeysnaayeen bastoolado, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay, waxaase socda baaritaanno ay wadaan ciidamada ammaanka Kenya si ay u soo helaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas.

Dhanka kale; kooxo hubeysan ayaa gaari iyo afar qof oo Kenyan ka afduubay xalay deegaan lagu magacaabo Lafey oo ku dhow degmada Mandheera, waxaana la sheegay in gaariga iyo afartaas qof loola gudbay dhinaca Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso afduubkaas iyo cid ay dowladda Kenya ku eedeysay, waxaase socda howgallo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku baadi-goobayaan gaarigaas iyo afartii qof ee lagu afduubay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya