4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo bixinaysa Lacagta ay ku noolaanayaan Laba sano Hooyo Afar Mataano ah oo ay ku dhashay Muqdisho

Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayso biilka hooyo Soomaaliyeed oo afar mataano ah ku dhashay kaam ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Hooyo Xaliimo Maxamed Cabdi oo ayaa umushay maalin ka hor afar caruur ah oo mataano ah, kuwaasoo kala ahaa saddex gabdhood iyo wiil, inkastoo wiilkii saqiiray; iyadoo shirkadda Hormuud ay maanta sheegtay inay bil walba hooyada iyo maatana ay dhashay siinayso 300 oo dollarka Mareykanka ah.

"Waxaa ii haray saddex gabdhood oo aan u kala bixiyay: Deeqo, Shukri iyo Nafiso, wiilkii waa iga laabtay, aad ayaana u caafimaad qabaa, inkastoo xanuunno badan aan daris lasoo noqday intaan caloosha ku waday afarta mataanaha ah," ayay tiri hooyo Xaliimo oo ku faraxsanayd in laba sano la siiyo biilka nolosheeda iyo kuwa maaatanaha ay dhashay.

Hooyadan dhashay afarta mataanaha ah ayaa ka mid ahayd dadkii sannadkii hore kasoo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Bay oo ay abaaro darani ku dhufteen, waxayna tan iyo xilligaas ku noolayd xero qoxooti oo ku taalla Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee Muqdisho.


"Caruurtan waxaan ku umulay buush, balse maanta Alle mahaddii waxaa la ii dhisay guri jiingad ah," ayay tiri hooyo Xaliimo oo saxaafadda u warramasay, iyadoo intaa ku dartay in sidoo kale iyada iyo caruurteeda loo iibiyay sariiro ay ku seexdaan oo aysan horay u haysan.

Haweeneydan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo afar mataano ah ku umusha kaam ay dad barakacayaal ah ku jiraan, waxayna durbadiiba soo jiidatay nidhaha shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo kuwa dibadda jooga.

Shirkadda Hormuud ayaa waxay inta badan dhaqaale ku bixisayaa caawinta dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed, iyadoo dhawaan lacag gaaraysa 100,000 oo doollar ugu deeqday dadkii ay saameynta ku yeelatay fatahaaddii uu webiga Shabeelle ka geystay magaalada Baladweyne.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya