4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay in Soomaalida Qoxootiga ku ah Adduunka ay kor u dhaafayaan hal Milyan oo Qof
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Hay'adda UNHCR oo Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qoxootiga Soomaalida ha ee dalkooda ka cararay ay kor u dhaafayeen hal milyan oo qof, kuwaasoo intooda badan ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya.

UNHCR waxay warbixinteedan ku sheegtay in dad gaaraya 1,360,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha dalka, kuwaasoo inta gobolladooda ka cararay ku nool hadda gobollo kale, waxayna sheegtay in kaalmeynta deg-degga ah ee dadkaas ay hormuud u tahay hay'adda.

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay inay jiraan dad qoxooti ku ah Soomaaliya oo ay caawiso, kuwaasoo ay tiradooda ku sheegtay 2,100-qof, kuwaasoo aysan sheegin jinsiyadahooda iyo dalalka ay kasoo carareen.

Hay'addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in isbedelladii dhinaca ammaanka ee ka dhacayay Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ay ku dhaliyeen Kenya in Qaramada Midoobay u dirto codsi ay ku dalbanayso in la abaabulo hay'adaha gargaarka si dadka Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ah dalkeeda dib loogu celin lahaa Soomalaiya, gaar ahaan goobaha Al-shabaab laga qabsaday.

UNCHR waxay sheegtay in Kenay ay ku andacoonayso inaysan xamili karin qoxootiga ka badan Nus Malyuunka qof ee ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dhanka kale, hay'addu waxay sheegtay in magaalada Muqdisho ay dib ugu laabteen sannadkan dad gaaraya 65,000 oo qof kuwaasoo kasoo laabtay dalalka Kenya, Yemen iyo deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo ay markii hore u carareen.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay warbixinteedan ku sheegtay in magaalada Muqdisho ay sidii hore ka xasiloon tahay, iyadoo sheegtay in dagaalladii ka dhacay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ay sababeen inay caasimadda xaalado ammaan-darro awgeed uga cararaan dad gaaraya 300,000 qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya