4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Ergayga Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya, si dowalddu ay ugu guuleysato howlaha horyaalla muddada ay shaqeynayso ee afarta sano ah.

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso aya sheegay inay sidoo kale caawinayaan hay'adaha bulsahda rayidka ah, si ay iyaguna howlahooda u gutaan uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

"Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay aayaheeda ka tashato, Midowga Yurubna wuu ku caawinayaan arrintaas," ayuu d'Urso ku yiri warsaxaafadeed uu maanta soo saaray, isagoo intaas ku daray. "Tani waa midda aan ku doonayno inaan dowladda Soomaaliya si dhow ula shaqeyno, balse ururrada bulshada rayidka ah ayaa iyaguna u taagan inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska Qaranka Soomaaliya."

Dalka Soomaaliya ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan ka gudbay dowlado KMG ah oo muddo kasoo shaqeynayay, iyadoo la doortay madaxweyne cusub iyo guddoomiye baarlaamaan oo cusub, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu ra'iisul wasaare ku soo magacaabay muddo 30-maalmood gudahood ah sida uu dhigay dastuurka.

Ergayga Midowga Yurub, wuxuu hadalkiisa ku daray in tallaabadan ay tahay mid ay albaabbada ugu furayaan sidii ay wada-shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd ururka Midowga Yurub, dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, d’Urso wuxuu sheegay in qorshaha ay ka leeyihiin la shaqeynta ururrada bulshada rayidka ah ay tahay sidii ay u arki lahaayeen isbedel mustaqbalka dhow ka dhaca Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo weyn ka qabto in wada-shaqeynta Midowga Yurub iyo bulshada rayidka ah ay noqoto mid miro-dhasha.

Ergayga oo bishii lasoo dhaafay laba jeer soo booqday Muqdisho ayaa sheegay inay arkeen in xaaladda dalku ay isbedeshay, wuxuuna sheegay xilligaas inay gacan siin doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu ugu baaqay ururrada bulshada rayidka ah ee ka jira maamullada Puntland iyo Somaliland inay dadaal u galaan sidii haweenku ay kaalin ugu yeelan lahaayeen siyaasadda loona xushmeyn lahaa xuquuqda aadanaha, sida xuquuqda qoxootiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya