4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Dagaallo Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhex-maray Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir

Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tiro kalena waxay ku dhaawacmeen dagaallo xalay ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmooyinka Dharkeynley iyo Yaaqshiid ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

Iskahorimaadyadan oo ahaa kuwo ay dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan ayaa waxay qarxeen markii xoogagga Al-shabaab ay weerarro gaadmo ah ku qaadeen koontarool ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen iyo guri uu deggenaa mid ka mid ah saraakiisha hay'adda nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus ayaa sheegay in xalay kooxo Al-shabaab ka tirsan ay weerareen guri ku yaalla xaafadda Carafaat kaasoo uu deggenaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna sheegay in la eryay kooxihii weerarka soo qaaday.

"Kooxihii weerarka soo qaaday waa la eryay, ma jirto cid laga qabtay. Xaaladdun waa mid deggen saakay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo aan ka hadlin khasaarihii ka dhashay weerarkas.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Dharkeynley, Yuusuf Kabaalle oo isna saakay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lasoo weeraray koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla xaafadda Xoosh ee degmadaas.

Ma uusan sheegin khasaare ka dhashay weerarkaas, balse goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo hoobiyeyaal dhinacyadu ay isku adeegsadeen ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmadaas lamana oga khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeyntaas.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaa xilli Xarakada Al-shabaab ay maalin ka hor bedeleen guddoomiyahoodii gobolka Banaadir ayna ku bedeleen mas'uulkii horay looga qaaday, Sheekh Cali Maxamed Xuseen; sidoo kalena ay sheegeen inay isbedel ku sameeyeen maamulka guud ee gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya