4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Dagaal khasaare geystay oo ciidamada dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada hoose
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay afar ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow garoonka diyaaradaha ee lambar konton.

"Waxaan mar keliya maqlay hub culus iyo rasaas fudud oo ka dhacaysa meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee KM-50, dagaalkuna wuxuu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab," ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan deegaan ku dhow garoonka.

Dagaalka kaddib ayay goobjoogayaashu sheegeen inay arkeen maydadka afartan ka midka ah dhinacyadii dagaalamay; iyadoo ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.

Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaan la ogeyn halka ay aadeen, welina kama aysan hadlin dagaalkaas dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ka dhacayay deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaallo dhacay sannadkan ku qabsaday saddex degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose iyo deegaannada u dhexeeya, kuwaasoo kala ah, Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada hoose, Afgooye iyo Wanlaweyn oo ay toddobaadkii hore qabsadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya