4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Hay'adda Samafalka RRP oo Gargaar u Qaybiyay Qoysas ka mid ah kuwii ay saameysay fatahaadii Magaalada Baladweyne

Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.

Hadaba ilaa 100 qoys oo ka mid ah dadkii ugu sii liitay oo ay saameynta ku yeelatay fatahaada ayaa waxaa deeq raashin ah gaarsiiyay NGO-ga lagu magacaabo Riverine Relief Program (RRP) kuwaasoo ku jiran mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha Baladweyne oo lagu magacaabo Doomeey.


Dadka deeqda hellay oo ahaa  qoysas dan yar ah islamarkaana fatahaada ka soo saartay hoygii ay daganaayeen ayaa la gaarsiiyay gargaar ka kooban noocyada raashinka sida Bariis, Bur,  iyo agab kale, iyadoo dadkii hellay gargaarkana ay siweyn uga mahad celiyeen.

Maxamed Shiikh Xassan oo ah horjoogaha xerada ay ku jiraan dadka deeqda la gaarsiiyay ayaa siweyn ugu mahad celiyay RRP isaga oo sheegay in gagaarka ay heleen waqti ay siweyn ugu baahi qabeen.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baladweyne ka soconayay gurmad loo fidinayo dadkii ay dhawaan saameynta ugu badan ku yeesheen biyihii ka soo rogmaday wabiga Shabeelle.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya