4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Ururka SYL II oo Magaalada Marko ku qabtay Siminaar looga hadlayay sidii dib loogu soo celin lahaa doorka Odayaasha Soomaaliyeed

Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa looga hadlay sidii loosoo celin lahaa doorkii odayaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen bulshada dhexdeeda iyo sidii ay ugu qayb-qaadan lahaayeen nabad kusoo dabaalidda dalka iyo  xalinta dhibaatoyinka ka dhex dhaca bulshada.

Guddoomiyaha degmada Marka, Axmed Macalin Cabdi (Cukaash) ayaa isagana ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay siminnaarka, wuxuu sheegay in odayaasha ay door muhiim ah ku dhex leeyihiin bulshada, isagoo si gaar ah mahad-celiyay ururka SYL II oo ah ururkii ugu horreeyay oo degmada Marka ku qabta siminnaar noocaan oo kale ah, kaddib markii laga saaray Al-shabaab.


"Odayaasha ku nool degmada Marko iyo deegaannada kale ee gobolka Shabeellada dhexe muddo sanooyin ah iskuma arkin fadhi noocan oo kale ah, taasna waxaa keenay xaalado kala duwan oo ay ka mid tahay ammaanka," ayuu yiri Cukaash oo la hadlayay odayaashii kulanka goob-joogga ka ahaa.

Odayaashii ka qaybgalya tababarkan isugu jiray aqoon-is-weeydaarsiga iyo dood-waddaagga ayaa sheegay inuu ahaa kii ugu horreeyay oo ay isugu yimaadaan xilli aad u fog, iyagoo ka dalbaday dowladda dhexe ee Soomaaliya inay gobolka wax u qabato maadaama KMG-nimadii laga baxay.

Ugu dambeyn, odayaashu waxay hoosta ka xariiqeen inay kaalin mug leh ka qaadan doonto inay dib u soo noqoto kaalintii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen, gaar ahaan marka ay bushada dhexdeeda ka dhacaan dhibaatooyinka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya