4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Maxkamad ku taala dalka Kenya oo go'aan ka gaaraysa nin Hindi ah oo si sharci-darro ah ku sameeyay Baasaboorro Soomaali ah
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.


Maxkamaddii afaraad oo ku saabsan dacwadan ayaa shalay oo Jimco ahayd dib uga furantay magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyadoo ay goobjoog ahaayeen safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameerika), taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo ninka hindiga ah ee dacwadda loo haysto oo lagu magacaabo Sanjeev Monatra.

Ninkan Hindiga ah ayay ciidamada Kenya ku qabteen bishii November ee sannadkii hore 2012 dekedda magaalada Mombasa isagoo wata konteenar ay ku jireen baasaboorka Soomaaliga oo isugu jiray mid caadi ah, midka dublamaasi ah iyo weliba mid loogu talogalay shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Garsooraha maxkamadda ayaa dhageystay dacwadda ninkaas loo haysto iyo sida uu uga kaga jawaabay, waxaana markaas kaddib uu garsooruhu ku dhawaaqay in dacwadan si kama dambeys ah go'aan looga gaarayo 25-ka bisha Janaayo ee sannadkan soo socda.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Ameerika oo saxaafadda la hadlay markii ay soo xirantay maxkamadda ayaa sheegay in dacwaddan aysan ka harayn ayna rajo wanaagsan ka qabaan in go'aanka maxkamadda u soo dhaco dhinacooda.

"Marnaba kama daalayno dacwadda, inta baasaboorrada Soomaaliga ee la qabtay lagu soo wareejinayo ganacatada dowladda Soomaaliya," ayuu yiri dajire Ameerika oo intaas ku daray in dacawaddii safaaradda Soomaaliya ay kusoo celiyaan ay sidan oo kale ahayd mid dhowr jeer loo fariistay.

Ugu dambeyn, taliyaha jindiyadaha iyo socdaalka dowladda Soomaaliya Jen. Gaafow oo ka mid ahaa xubnihii dowladda Soomaaliya ku matalayay dacwadda ayaa xusay inay rajo wanaagsan ka qabaan in baasaboorrada lagu soo wareejin doono Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya