4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 12, 2012
Maamulka gobollka Hiiraan oo sheegay in amniga la adkeynayo kadib qarax xalay ka dhacay Baladweyne

Jimco, Oktoobar, 12, 2012 (HOL)  -- Kadib markii xalay qof doonayay in uu weerar Ismiidaamin ah ka geysto magaalada Baladweyne ay ku qarxeen waxyaabihii uu sitay ayeey sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka in ay xoojin doonaan amniga magaalada.

 

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllayay HOL ayaa sheegay in qofka qarax ku dhintay uu doonayay in uu weerar Ismiidaamin ah ka geysto magaalada Baladweyne, laakiin markii danbe ay ku qarxeen waxyabihii uu isku soo xiray.

 

‘’Sababta keentay in qofkaas uu iskii isku qarxyo ayaa la oran karaa waa amniga oo ahaa mid adag, waayo meel uu maro ayuu garan waayay, waxaana uu markii danbe goostay in uu isaga is qarxiyo ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof.

 

Waxaa uu sheegay iskaashi ay sameynayaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan, kuwa Itoobiya iyo waliba ciidamada AMISOM ee ka socda dowladda Jabuuti xoogga lagu saari doono sugida amniga magaalada Baladweyne si looga hor tago ayuu yiri falalka noocaas oo kale ah.

 

‘’Markii awoodoodii la wiiqay waxaa ay hadda isku dadayaan falal kale oo ay amaanka wax ugu dhimaan, annaga ka maamul ahaan arintaa siweyn ayaan uga foojigannahay ayuu yiri,’’ Max’ed Nuur Caga-joof.

 

Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax uu ku dhintay qof sida la sheegay isku soo xiray walxaha qaraxa, kaasoo doonayay in uu ka sameeyo magaalada weerar Ismiidaamin ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.