4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 1 , 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Sababihii ay Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM uga baxeen Baladweyne
Isniin, Oktoobar 01, 2012 (HOL) — Kaddib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ka baxeen saldhigyadii ay ka daganaayeen magaalada Baladweyne, waxaa arintaa ka hadllay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti isaga baxeen xarumihii ay ka daganayeen magaalada Baladweyne kadib markii ay saameyn ku yeelatay fatahaada uu sameeyay wabiga Shabeelle.

"Waa ay jirtaa arintaa iyada ah in ciidamada Itoobiya iyo kuwa midowgga Africa ee AMISOM in ay isaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada  Baladweyne, wax kale ma’aha waxaa saameyn ku yeeshay biyihii ku soo rogmaday magaalada oo buux dhaafiyay saldhigyadii ay daganaayeen," ayuu yiri Axmed Inji.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu jiro abaabul iyo qorshe la doonayo looga howlgalo guud ahaanba gobollka, gaar ahaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Xarrakada Al-shabaab, waana tan keentay ayuu yiri in ciidamada ay isku diyaariyaan meel dibada ka ah magaalada.

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaa hadda saldhigyo ka dhigtay duleedka magaalada Baladweyne gaar ahaan Janta-kuundisho oo ah halka inta badan dadku u barakacaan marka ay jirto fatahaadan oo kale.

Saakay waabarigii hore ayaa la arkayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo socod ku maraya bartamaha magaalada, kuwaasoo meel qaar ka sameynayay baaritaan la xiriira sugida amniga.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jabuuti ee la xiriira sababta ay ciidamadooda uga baxeen saldhigyadii ay dhawaan ka dageen magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya