4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 6 , 2012
Shirkadda Xawilaadda Amaana oo Deeq kala Duwan Gaarsiiyay Dad ku Dhibaateysan Magaalada Baladweyne

Talaado, November, 06, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana xarunteeda magaalada Baladweyne ayaa gaarsiisay dad ku dhibaateysan magaalada Baladweyne deeq ay soo direen Jaaliyado ku kala nool Yurub iyo Ameerica.

Mas’uuliyiinta shirkada xawaalada Amaana ayaa u sheegay HOL in gargaarka la gaarsiiyay dadka u baahan ay soo kala gaartay Jaaliyada Malmo ee dalka Swedan oo soo dirtay lacag dhan $ 4927 doolar taasoo ay wakiil ka ahaayeen Max’ed Nuur Cabdi, Faadumo Abiikar, Max’ed Xassan Mahad, iyo Hodan Axmed.

Jaaliyada Stokhom ee isla dalka Swedan ayeey sheegeen mas’uuliyiinta shirkada in ay soo direen deeq lacageed oo dhan $2000 doolar oo ay wakiil ka aheyd gabadha lagu magacaabo Ruun Buule, halka sidoo sidoo kale gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holan ay soo dhiibeen $ 3150 doolar waxaana wakiil ka ahaa Waris Faarax, Jamaalo Cismaan iyo Bolo Canshuur.

Waxaa sidoo kale gargaar lacageed soo gaarsiiyay shirkada Amaana Jaaliyada ku nool magaalada Siyaalo Washinton ee dalka Mareykanka oo soo diray lacag dhan $3350 doolar, waxaana ka wakiil ahaa sida ay HOL u sheegeen mas’uuliyiinta shirkada Cilmi Xassan Sabriye ilyaas Xayuuke iyo C/xakiin Muumin.

Deeqdan lacageed oo ay Jaaliyadaha ku dhaqan dalka dibadiisa ku soo hagaajiyeen shirkada xawaalada Amaana oo dhameyd ilaa $13.427 doolar, waxaa ka faa’ideystay 265 qoys iyo 118 ka mid ah bukaanka ku jira isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Qoysaska ayaa loo qeybiyay raashin ka kooban Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid, halka bukaanka ku jira isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne la gaarsiiyay deeq isugu jirta lacag, timir, caano, iyo waliba agab kale oo ay siweyn ugu baahnaayeen.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay deeq gaarsiiso shirkada xawaalada Amaana qoysaska ay la soo darseen daruufaha nolaleed iyo bukaanka jiifa isbitaalka Baladweyne, iyadoo ay siweyn ugu mahad celiyeen shirkada dadka gargaarka helay.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Baladweyne
, Soomaaliya.