4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Golaha Wasiirrada oo isku raacay in la sameeyo ciidammo gaar ah oo suga Ammaanka Magaalada Muqdisho
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Kulan golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku yeesheen maanta xaruntooda Muqdisho ayay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena dowladdu ay is le'ekeyso dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda iyo gasroonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in ciidammo ka madaxbannaan kuwa qalabka sida ee dowladda Soomaaliya la geeyo degmooyinka Mkuqdisho si ay u xaqiijiyaan ammaanka.

"Golaha wasiirrada waxay shirkooda diiradda ku saareen nabadgalyada, waxaana xusid mudan in la isku raacay in ciidammo gaar ah loo sameeyay sugidda ammaanka 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo ka madaxbannaan ciidamada qalabka sida ee la yaqaan," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Xirsi Ciil-mooge oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay xaafadaha walba oo ka tirsan Muqdisho la geyn doono 100-askari oo qalabkoodu u dhan yahay, isagoo hoosta ka xariiqay inay si joogto ah ciidamadaas u joogi doonaan xaafadda la geeyay ayna sugi doonaan amniga dadweynaha.

"Qorshahan waxaa qayb ka ah in ciidamadan ay dadka deggen ka saaraan xarumihii wasaaradaha dowladda oo ahaa 25 dhisme," ayuu wasiirku hadalkiisa raaciyay, isagoo aan sheegin inta uu le'eg yahay kharashka ku bixi doona ciidamada cusub ee la samaynayo iyo halka ay ka imaanayaa.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay istuseen in Muqdisho aysan maanta oolin isbaarooyinkii faraha badnaa ee yaallay, isagoo sheegay in laba isbaaro waxaan ka badnayn ay yaallaan Muqdisho, iyagana la qaadayo saacadaha soo socda.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu xusay in sidoo kale kulanka looga hadlay sidii lagu dar-dargelin lahaa howlaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo xusay inay ka go'an tahay xukuumadda cusub inay isku fileysiiso dhaqaalaha ay ka hesho ilaha dhaqaale ee dalka.

"Golaha wasiirrada waxay isku raaceen in la xaqiijiyo hab-sami u socodka howlaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kalena laga baxo ciriiriga ka jira maraakiibta oo maalmo badan dibadda taagnaadaa, ganacsataduna aysan soo dejin karin gadiid duug ah, balse ay soo dejiyaan gaadiid wanaagsan oo howlihiisa gudan kara," ayuu yiri wasiirka wafaafinta Soomaaliya.

Kulanka ay golaha wasiirradu yeesheen maanta oo Khamiis ah ayaa noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan tan iyo markiii golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen bartimihii bishan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya