4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Iskahorimaad dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose

Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo sidoo kale nin bam ku hubeysan uu qarax ku weeraray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugan degmada Marko.

Dagaalka dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saliini oo ay ciidamada AMISOM biyo ka dhaasanayeen, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

"Saacad barkeed ayuu dagaalku socday, ma garan karno khasaaraha ka dhashay, balse ciidamada AMISOM ayaa la weeraray iyagoo biyo dhaansanayay," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka uu iskahorimaadku ka dhacay.

Al-shabaab iyo AMISOM ayaan labaduba ka hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka ku dhexmaray deegaanka Siliini, waxaase dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo dhowr jeer oo hore uga dhacay gobolkaas.

Dhanka kale, nin ku hubeysan bambaannada gacanta ayaa weerar ku qaaday goob ay ku suganayeen ciidamada AMISOM, inkastoo bamku uusan khasaare geystan, balse rasaas ay ciidamadu fureen ayaa dhaawac halis ah gaarsiisay ninkaas weerarka geystay.

"Ninka weerarka qaaday waa la dhaawacay, waxaana gacanta ku dhigay isagoo dhaawacan ciidamada AMISOM," ayuu yiri Cali Cumar oo ka mid ah dadka ku nool degmada Marko oo saxaafadda la hadlay.

Degmada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka mid tahay degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ee gacanta ugu jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya