4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Khasaare ka Dhashay Rasaas lagu Furay Dad kusoo Xoomay Sanduuq Codbixin ah oo la Geeyay Degmada Lughaye
Talaado, November 27, 2012 (HOL)- Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa dhaawac ka dib markii ciidanka la socda sanaaduuqda degmadda Lughaya lageeyey ay rasaas ku fureen dadweyne ku soo ururay goobtii sanaduuqda ladhigay.

Wararka ka imanaya Degmadda Lughaya ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya inay rasaastani timid ka dib markii dadweyne dhalinyaro u badani ku soo xoomeen goobtii la dhigay sanaaduuqdan, ka dibna ay askartu isku dayeen inb ay rasaas circa u ridaan si ay u kala ceyriyaan dadkii halkaasi kusoo xoomay, nasiib darase ay saddex qof  ku dhacday rasaastu oo mid ka mid ah u geeriyooday rasaastaasi, halka labada kalana ku dhaawacmeen kuwaasoo loo soo qaaday magaaladda Boorame.

Inkastoo si rasmi ah loo ogeyn waxa keenay inay dadku ku soo ururaan sanaaduuqda, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegayey in buuqani yimid ka dib markii sanaaduuqdan oo loo kala dirayey degmooyinka kale ay dadka moodeen in laga qaadayo meesha ka dibna is ortageen, halka warar kalana sheegayaan in ay dadweynuhu doonayeen in aan hal goob uun la dhigin
sanaaduuqda balse meelo kala duwan oo ay dadku ka codeen karaan la dhigo, balse ay diideen hawl-wadeenadii komishanka ka dibna ay askartu rasaas ku rideen dadweynihii si ay u kala dareeraan taas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh keentay.

Si kastaba ha ahaaatee, ilaa hadda si rasmi ah looma cadeyn sababta dadweynuhu ugu soo buuqeen xarunta komishanka doorashooyinka ee degmada Lughaya, waxaase hadda la sheegayaa inay magaaladdu degan tahay oo ay caadi ku soo noqotay dadweynihiina iska kala dareeray.

Sidoo kale, magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa iyana muran xaga sanaaduuqda ahi ka taagan tahay, ka dib markii maayarka Ceerigaabo oo ah musharax ka sharaxan ururka Wadani iyo badhasaabka gobolkaas Sanaag khilaaf dhinaca Sanaaduuqda ahi soo dhexmaray, waxaana halkaasi iskugu soo ururay dadweyne taageersan Maayarka, balse ciidanka amniga ayaa rasaas ku kala dareeriyey, inkastoo aanay cidi wax ku noqon.

Dhinaca kale, waxa xawli u socda dadweynihii laga soo kala gurayey dalalka xuduud la leh somaliland sida Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaasoo la sheegay inay gaadiid faro badan oo ay leeyihin musharaxiintu dadweyno badan ilaa shalay ku soo gureen dhinaca Somaliland gaar ahaan meelo u dhow goobaha laga codeynayo, waxay dadweynahaasi soo buux dhaafiyeen goobaha kala duwan ee laga codaynayo.

 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa isna sheegay in galabta afarta galabnimo la xidhi doono xuduudda Somaliland si aan loo ogolaan in wax gaadiid ah ka soo gudbo xadka, isla markaana ilaa inta doorashadu dhacayso  uu xadku xidhan yahay.

Inta badan musharaxiintii golayaasha deegaanka ayaa ku maqan deegaanada miyiga, kuwaas oo dadweynaha ku nool iyo kuwa ay dalalka ka kale ka soo gurayaan ku wacyigelinayaan inay u codeeyaan, isla markaana u qaybinaya waraaqo ay ku qoran yihiin lambarka loogu codeynayo, sawirkiisa iyo ururka uu ka tirsan yahay iyo nidaamka loo codaynayo.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland