4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Afhayeenka AMISOM oo shaaciyay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ay dib ugu laaban doonaan Xuduudda
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud ayaa sheegay in ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ay dib ugu laaban doonaan xuduudda ay Soomaaliya iyo Kenya wadaan markii ay ciidamada Jabuuti kala wareegaan howgalka.

Col. Xumud oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuuti lasoo dhameystiro toddobaadka soo socda si ay ula wareegaan howsha ka socota gobolka Hiiraan, markaas kaddibna ay ciidamada Itoobiya u baxaan.

"Waxaa hubaal ah in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabanayaan xuduudda markii ay howgalka kala wareegaan ciidamada Jabuuti oo qayb ka ah AMISOM," ayuu yiri Col. Xumud oo intaas ku daray: "Waxaa socda qorshihii ay ciidamada Jabuuti ay kula wareegi lahaayeen Baladweyne."

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay toddobaadyada soo socda ay soo gaari doonaan Muqdisho ciidammo ka socda dalka Sierra Leone kuwaaso qayb ka noqon doona howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

"Ciidamada Sierra Leone muddo ayaa la sugayay, waxaana lagu wadaa inay soo gaaraan maalmaha soo socda dalka, si ay uga qaybqaataan howgalka socda," ayuu yiri Col. Xumud oo aan sheegin deegaanka ay ka howlgeli doonaan.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa dhawaan saldhigyo ka sameystay ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, kuwaasoo bedelay ciidamadii Itoobiya oo kala wareegay degmadaas xoogagii Al-shabaab bishii December ee sannadkii hore.

Ciidamada Itoobiya oo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ku sugan ayaan qayb ka ahayn howgalka AMISOM, waxaase ay sheegeen inay u joogaan dalka sidii ay uga taageeri lahaayeen dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya