4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Ciidamada Huwanta ah iyo Dagaalyahannada Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaanka Yoontooy ee Duleedka Kismaayo

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal xooggan ka dhacay deegaanka Yoontoy oo qiyaastii 25-KM dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid qaatay ku dhawaad hal saac ayaa bilowday kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen ciidamada huwanta ah oo maalmihii u danbeeyay halkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaanno ku dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa HOL u sheegay, in labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan iyo Madaafiic.

Lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka, mana jiraan masuuliyiin labada dhinac ah oo faahfaahin ka bixiyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan qeybaha kale ee ay ay Al-shabaab uga suganyihiin gobollada Jubooyinka

Ciidamada huwanta ah ayaa hakiyay howlgalladii ay ka wadeen gobollada Jubooyinka kadib markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo ahayd magaalo isataraatiji ah islamarkaasina ay xoogagga Al-shabaab ka heli jireen dhaqaalo badan, waxaana imika muuqata in ciidamada huwanta ah ay doonayaan in ay isku fidiyaan deegaanada kale ee gobollada Jubooyinka.

Dagaalkii saaka ayaa daba socdo dagaal shalay gelinkii danbe isla deegaankaasi ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah oo iyagu weerarka soo qaaday.

Hiiraan Online, News Desk