4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Kulan looga Hadlayay Ammaanka Xaafadda Islii oo ka Dhacay Magaalada Nairobi [SAWIRRO]

Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Kulan ballaaran oo looga hadlayay sidii loo xallin lahaa rabshadaha kasoo cusboonaaday xaafadda Islii ee u dhexeeya Soomalida Islii ku dhaqan iyo kooxo dhalinyaro ah oo ka yimid xaafadda Madari islamarkaasina ka careysnaa qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee gudaha xaafadda Islii lagula eegtay gaari Bas ah.

Kulankan oo looga doodayay sida loo hakin karo dhibaatooyinka kasoo cusboonaaday xaafadda Islii islamarkaasina looga hortagi lahaa Rabashado kale oo xaafadda ka dhaca ayaa waxa kasoo qeybgalay saraakiisha u sareysa ciidamada Booliska Kenya, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamakunji, madax ka socotay xaafaddaha Starehe iyo Islii, dhalinyaro, haween, Culumaa'udiin  iyo weliba marti sharaf kale.

Goobta ayaa waxaa ka hadlay dhalinyaro, haween, culumaa’udiin iyo madax, waxayna si isku mid ah u cambaareeyeen weerarkii gudaha xaafadda Islii lagula eegtay gaari bas ah oo ay saarnaayeen dadka rayid ah, waxayna sidoo kale cambaareeyeen kooxaha rabshadaha ka wada xaafadda Islii.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamakunji Yuusuf Xasan oo shir jaraa’id qabtay kadib markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay in kulankii maanta looga doodayay rabshadihii ka dhacay xaafadda islii iyo sidii looga hortagi lahaa in markale ay dib usoo laabtaan.

“Rabshadihii ka dhacay labadii cishe ee ina dhaafay ee dhibka faraha badan xaafadeena u geeystay ma ahayn kuwa ay sameeyeen dad u dhashay oo degan xaafadda Islii, waxay ahaayeen dad lasoo diray oo ujeedadoodu ahayd in ay bililiqeystaan xaafadda, dhaawac weyna u geystaan shacabka soomaaliyeed ee meesha ku nool,” ayuu xildhibaanku yiri.

Masuulkani ayaa sheegay in kulanka maanta ay isugu yeereen qoysaska iyo madaxda xaafadihii laga soo abaabulay duulaankii lagu soo qaaday xaafadda Islii, wuxuuna sheegay in laga wada hadlayay sidii is afgaradka iyo wadahadalka labada qoys loo xoojin lahaa, wuxuuna xusay in si wadajir ah ay uga soo horjeesteen kooxo uu ku sheegay burcad ka faa’iideysaneysay qaraxii ka dhacay xaafadda Islii.

Masuulkani ayaa sheegay in booliska ay ka gaabiyeen howshoodii islamarkaasina ay jaanis siiyeen kooxihii weerarka soo qaaday in ay is abaabulaan oo ay soo weeraraan xaafadda Islii.

“Waxaan dooneynaa inaan isu keenno madaxda syiyaasadda muslimiinta iyo Kirishtaanka, dumarka iyo dhalinyaradooda aana kawada hadalno sidii arintaasi looga hortagi lahaa loona wacyi gelin lahaa dhalinyaradaasi,” ayuu xildhibaanku hadalkiisii raaciyay.

Sidoo kale xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa xusay in uu booqasho ku tagay saldhigga Bangaano oo ay ku xirnaayeen dad fara badan oo Soomaali ah oo ay ciidamadu qabteen intii ay rabashadaha socdeen, wuxuuna sheegay in uu la hadlay madaxda saldhigga ayna ka ballan qaadeen in wixii aan danbi lahayn lasii deyn doono, dadkii dambi lagu helana maxkamad la geyn doono.

Kulankani looga hadlayo ammaanka xaafadda Islii ayaa ka danbeeyay kadib markii labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay ay xaafadda Islii ka dhacayee rabashado u dhexeeyay Soomaalida ku dhaqan Islii iyo kooxo kasoo duulay xaafado kale oo ka careysnaa qaraxii ka dhacay xaafadda Islii.

--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya