4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Xaaladda Magaalada Gaarisa oo kacsan iyo suuqii weynaa ee Magaaladaas oo gabi ahaan gubtay

Talaado, November 20, 2012 (HOL) —Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howgallo ay shalay ilaa xalay ka fuliyeen magaalada Garissa ku qabqabtay boqollaal qof oo reer Garissa ah, kadib markii shalay sedex askari lagu dilay magaaladaasi.

Goobjooge ku sugan Garissa oo lagu magacaabo Max’ed Deekh ayaa HOL u sheegay in ciidamo Militari ah ay soo galeen magaalada, wuxuuna xusay in ay xirxireen dad aad u badan isagoona intaa ku daray in ciidamadu ay dadka la dhacayeen qoriga liifkiisa.

“Magaalada saaka aad bay u kacsantahay, Dadweeyne farabadan oo doonayay in ay dibadbax sameeyaan ayaa lakala ceyriyay wadooyinkana qof socdo ma arkeysid, dadka oo dhan waxay ku jiraan guryahooda,” sidaa waxa Max’ed Deekh oo HOL qadka teleefonka ugu waramay.

Dhinaca kale waxaa gubtay suuqa loo yaqaan Suuqmugdi oo ah suuqa ugu weyn ee magaalada Garissa, iyadoona ay ku baaba'day hanti aad u badan oo ay lahaayeen dadka reer Garissa.

Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaan ilaa imika la garaneyn waxa uu ka dhashay, waxaana goobjoogeyaal ku sugan Garissa ay HOL u sheegeen in ciidamada ammaanka ay dadka u diideen in ay hantidooda ka badbaadsadaan dabka. 

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Max’ed Xaaji Yuusuf oo wareysi gaar ah siiyay laanta af-Soomaaliga ee BBC ayaa si kulul u camabaareeyay tacadiyada ay ciidamada ammaanka Kenya ka geeysteen magaalada Garissa.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay xir-xireen dad badan, qaarna ay garaaceen, qaar kalena guryahooda laga gubay, wuxuuna sheegay in cadaallada la horkeeni doonto qof walba oo qalad geeystay.

Arintan ayaa ka danbeeysay kadib markii shalay gudaha magaalada Garissa lagu dilay sedex askari oo katirsan booliska Kenya, kuwaasoo aan ilaa imika la garaneyn cidda ka danbeeysay dilkooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya