3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo Madaxda Dowladda ugu baaqay inay soo dhisaan dowlad dalka wax ka qaban karta
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay soo dhisayaan xukuumad dalka wax ka qaban karta, isagoo shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna, Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo la hadlay saxaafadda Muqdisho qaarkeed isagoo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in Ahlusunna ay taageersan tahay madaxda cusub ee Soomaaliya ayna u rajeynayaan shaqo wanaagsan.

"Madaxda waxaan kula talinayaa inay soo dhisaan xukuumad tayo leh, sidoo kale waxaan kula talinayaa shacabka Soomaaliyeed in la taageero madaxda dowladda, waayo waa kuwo doonaya inay dalka ka shaqeeyaan waana in la dhowro kartida iyo waxqabadka ay u leeyihiin howlaha loo xil-saaray," ayuu yiri Sheekh Cumar.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu sheegay in madaxda cusub ee dowladda fursad loo siiyo inay tijaabiyaan kartidooda, aqoontooda, waxqaabadkooda iyo nastiibkooda.

Ururka Ahlusunna ayaa wuxuu ka mid yahay ururrada xiriirka dhow la leh dowladda Soomaaliya, waxaana horay ay uga mid ahaayeen golihii wasiirrada dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya.

Taageerada Ahlusunna ayaa waxay imaanaysaa iyadoo laga sugayo ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka hoggaamisa afarta sano ee soo socota, taasoo la sheegay inay tiradeedu aad u yar tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/2/2012 4:12 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska gobolka banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay u suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan xalay koox qorsheynayay inay weeraraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayh u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay howgallada ciidamada AMISOM iyo dhismaha xukuumadda Soomaaliya.

11/2/2012 4:10 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Hay'ado ka tirsan kuwa Qarammada Midoobay oo ku shiray magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ka bilaabayaan howlahooda gargaarka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ay bishii lasoo dhaafay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM.

11/2/2012 4:09 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa waxay ka wadaan Muqdisho tababarro ay siinayaan saraakiisha booliiska Soomaailya, kuwaas oo ku saabsan habka baarista dambiyada, waxaana tababarradan oo billowday bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay iyagoo socon doona illaa bisha December ee sannadkan.

11/2/2012 4:08 AM EST
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB oo hore u qaadacay doorashadda golaha deegaanka ee Somaliland, ayaa sheegay in musharaxi madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen ee xisbigoodda ku biiray urur siyaasadeedka Wadani aanay matalin xisbigooda, isla markaana aanay ka tanaasulin go’aankooddii ahaa inay ka soo horjeedaan qaabkii loola dhaqmay ee ay kaga hadheen doorashadda golaha deegaanka.