4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
COL Cabaas: Dadka ku Dhaqan Jubooyinka waa in Iyaga loo Daayaa Maamulkooda

Axad, November 18, 2012 (HOL) — COL Cabaasi Ibraahim Gureey oo kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in shacabka Jubooyinka ay xaq u leeyihiin in ay iyaga soo dhistaan maamulkooda.

Col Cabaas oo imika ku sugan magaalada Nairobi islamarkaasina wareysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka aysan ahayn shacab dowlad diid ah, lana doonayo in dowladda Soomaaliya ay siiso xornimo ay kusoo dhistaan maamul ay raali ka yihiin.

Masuulkani ayaa sheegay in Jubooyinka ay lamid yihiin gobollada kale ee dalka Soomaaliya ee maamullada sameystay, wuxuuna xusay in ay ahayd in dowladda Soomaaliya ay ku taageerto shacabka rabitaankooda.

“Waxaa loo baahanyahay in dowladda taageerto rabitaanka shacabka ku dhaqan Jubooyinka si lamid ah sida ay u taageertay maamullada ka dhisan gobollada Bay iyo Hiiraan,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Col Cabaas ayaa sheegay in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayaan inta badan degmooyinka gobollada Jubooyinka, wuxuuna ku baaqay in intii lagu mashquuli  lahaa maamul u sameyntooda in marka hore xoogga la saaro sidii gacanta loogu dhigi lahaa guud ahaan gobollada Jubooyinka.

Dhinaca kale masuulkani ayaa sheegay in gobolka Gedo ay mardhow ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo xoogagga Al-shabaab looga saarayo degmooyinka ay ku harsanyihiin ee gobolkaasi. Wuxuuna intaa ku daray in imika ay u diyaarsanyihin howlgalladaasi.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya