4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Garoon Diyaaradeed laga Dhisayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Axad, November 18, 2012 (HOL) — Dhismaha garoon diyaraadeed Cusub ayaa ka bilowday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyadoona dhismaha garoonkani ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Gedo iyo hay’addo katirsan Qaramada Midoobay.

Dhaqaalaha ku baxayo dhismaha garoonka ayaa waxa iska kaashanayo  hay’adda cuntada aduunka ee WFP iyo ha'adda Sanduuqa badbaadinta dhallaanka ee UNICEF, waxaana howsha dhismuhu tahay mid shaqaalaha cunno loogu badalayo howsha ay qabtaan.

Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka Cusub ee Ceelwaaq, waxaana uu sheegay in garoonkani uu noqon doono mid muhiimad gaar ah u leh gobolka Gedo.

Masuulkani ayaa sharaxaad ka bixiyay dhibaatooyinka dhanka nolosha ah ee ka jira gobolka Gedo, iyo weliba sida loogu baahanyahay in hay’adaha samafalku ay ka howlgalaan gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ammaanka degmooyinkii laga saaray Al-shabaab ee gobolka Gedo uu yahay mid la isku haleyn karo, islamarkaasina ciidamada dowladda ay gacan bir ah ku qabteen amniga guud ee degmooyinka gacantooda ku jira ee gobolka Gedo.

Dhismaha garoonkani cusub ee la filayo in laga hirgeliyo degmada Ceelwaaq ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan degmadaasi iyo deegaanada kale ee hoostaga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna oo kaashanaya ciidamada  Kenya iyo Itoobiya ayaa maamula inta badan degmooyinka gobolka Gedo, waxaana xoogagga Al-shabaab ay imika gobolkaasi uga suganyihiin degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya