3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Dadweynaha ku nool degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ka cabanaya Ammaan-darro ka jirta degmadaas
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Dadweynaha ku nool degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa ka cabanaya xaalado ammaan-darro oo kusoo kordhay degmadaas, kuwaasoo sababay in degmadaas lagu dilo dad badan oo ay ku jiraan saraakiil ka tisran booliiska Kenya.


Haweenka ka ganacsada qaadka ama jaadka oo ganacsan jiray illaa xilliga dambe oo habeenkii ah ayaa sheegay in hadd ay xaroodaan marka ay qorraxdu dhacdo, taas oo ay ku sheegeen inay ka dhalatay kaddib markii ay waayeen cid walba ka gadata iyo suuqyada oo faaruq noqotao.

"Qofkii jaad naga gadan lahaa wuxuu leeyahay waxaan ka baqayaa in la i toogto anigoo iibsiga jaadka ku mashquulsan," ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa jaadka ka ganacsada, iyadoo intaas ku dartay in dhaqaalihii ay qaadka ka heli jireen aysan hadda helin.

"Caruur ayaan ku korsan jirnay lacagta aan ka helno jaadka, balse hadda wax aan ka helno ma jirto, waayo xilligii noogu wanaagsanaa ee aan wax iibsan jirnay cabsi ayaa timid, taas ayaana saameyn xooggan nagu yeelatay," ayay tiri haweeney kale oo jaadka ka ganacsata.

Degmada Gaarisa ayaa lagu tilmaami jiray inay tahay degmada ugu nabadda badan Bariga Afrika, balse hadda waxay noqotay meesha ugu ammaanka daran, iyadoo ay Al-shabaab dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay beegsan doonto magaalooyin ku yaalla dalka Kenya.

Sidoo kale, taksiilayaasha ayaa iyaguna sheegay inay xaroodaan xilli hore, halkii ay markii hore ka shaqeysan jireen illaa saqdii dhexe oo habeennimo waxayna ku tilmaameen xarooshadooda inay sabab u tahay iyagoo ka baqaya in la dilo ama la qabto markii uu fal ammaan-darro ah dhaco.

"Maalin dhaweyd meel ii dhow ayaa lagu toogtay laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan, tani waxay sii kordhisay cabsida ammaan-darro ee magaalada ka jirta, marka suuro-gal ma ahan in habeenkii la shaqeeyo, maalintii ayaana cabsi ah," ayuu yiri taksiile la hadlay saxaafadda.


Tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore markaasoo ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya si ay Al-shabaab ula dagaalamaan ayaa waxaa Gaarisa iyo magaalooyinka kale ee ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ka dhacayay falal ammaan-darro oo ay ka mid yihiin, qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaasoo ay Kenya ku eedeyso Al-shabaab.

Ganacsatada leh dukaamada iyo goobaha kale ee ganacsi ayaa iyaguna sheegay inay cabsi awgeed xirnaa goobahooda ganacsiga marka ay qoraxdu dhacdo, iyagoo ka baqdin qaba in dhibaatooyin loo geysto.

Ugu dambeyn, dadka qaadka cuna ayaa sheegay inay cabsi weyn lasoo daristay iyagoo sheegay inay jaadka ku cunaan guyo mugdi ah oo dariishadu u xiran yihiin, waxayna sheegeen in haddii ay dariishadda furtaan ay ka baqayaan in laga soo toogto.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay falalka ammaan-darro ee ka dhacaya degmada Gaarisa oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn dalka Kenya ee ay degto Soomaalida ku nool dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/18/2012 9:39 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Lix qof oo rakaab ay ayaa ku dhimatay kadib markii gaari nooca Rakaabka qaado uu ku qarxay nawaaxiga Kaniisad ku taal xaafadda Islii gaar ahaan nawaaxiga waaxda Sec1.

11/18/2012 6:53 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — COL Cabaasi Ibraahim Gureey oo kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in shacabka Jubooyinka ay xaq u leeyihiin in ay iyaga soo dhistaan maamulkooda.

11/18/2012 5:21 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaalida inay faraha kala baxaan siyaasadda dalka, isagoo uga digay inay dalalka reer galbeedku u adeegsadaan siyaasadda dalkooda.

11/18/2012 3:45 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Dhismaha garoon diyaraadeed Cusub ayaa ka bilowday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyadoona dhismaha garoonkani ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Gedo iyo hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.

11/18/2012 3:33 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday isbitaalka Masaarida ee magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka isbitaalkaas uu soo dhaweeyay.

11/18/2012 3:19 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ayaa gaaray saakay oo Axad ah deegaanka Garsale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.