3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Dagaal Siyaasadeed ka taagan ciddii Maamuli lahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee laga saaray Al-shabaab
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.

Dagaalkan siyaasadeed ayaa billowday markii dadka deegaannadaas ku nool ay ku dhawaaqeen inay doonayaan inay maamul iyaga u gaar ah sameystaan; kaasoo ay ugu magac-dareen Jubbaland, iyagoo sheegay inay doonayaan inuu la mid noqdo maamullada Puntland iyo Somaliland.

"Shacabka ku nool gobolladaas waxaan leeyahay wada howsha aad maamulka ku sameysanaysaan," ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay VOA-da.

Xidhibaanku wuxuu intaas ku daray inay jiraan dad badan oo shaki ka qaba in laga sameeyo deegaannadaas maamul, kuwaasoo u arkaya in maamulkaas uu yahay mid doonaya inuu ka go'o Soomaaliya; qaar ka mid ah dadkuna waxay rumeysan yihiin in maamulkan uu la mid yahay maamullada Puntland iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa shir jaraa'id oo uu maalin ka hor ku qabtay Muqdisho wuxuu ku sheegay in mamul u sameynta Jubbooyinka ay mas'uul ka tahay dowladda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay la soconayso habka maamul loogu sameynayo deegaannadaas iyo gobollada kale ee dalka.

"Xilligan waxaa muuqata kala aragti duwanaasho weyn oo ku saabsan sida maamul loogu sameynayo gobollada Koonfurta Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa in khilaafka ay dhameeyaan dhinacyada dooddu u dhexeyso ayna isfahmaan," ayuu xildhibaan Shuuriye ku daray hadalkiisa.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo golaha wasiirrada dowladd Soomaaliya ayaa qaba fikir ka duwan fikirka la doonayo in maamul-goboleedka loogu sameeyo gobollada Koonfurta Soomaaliya. Waxayna soo jeediyeen in la sameeyo maamul KMG ah si looga hortago inay halkaas ka dhacaan dagaallo sad-bursi ah.

Ilo wareedyo hoose ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay faragelinta shisheeye ee qaybta ka ah maamul u sameynta gobolladaas oo ku dhow xuduudda dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Laakiin xubno ka tirsan guddiga ku howlan maamul u sameynta gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa sheegay in dowlado shisheeye aysan lug ku lahayn sameynta maamul goboleedka Jubbaland.

"Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya labaduba way joogaan gobolladeenna noomana kala soocna, mid ka mid ah ciidamadan uma aragno inay cadowgeenna yihiin. Kama ogolaan doonno dowladda Soomaaliya inay tiraado sameynta maamulkan waxaa lug ku leh cid shisheeye ah," ayuu yiri Farxaan Cabdi Afdoob oo ka mid ah xubnaha ku howlan sameynta maamulka Jubbaland.

Afdoob oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Innagu ma doonayno inaan Soomaaliya ka go'no. Waxaan doonaynaa inaan la mid noqonno maamullada ka jira Soomaaliya. Waxaan doonayno inaan u madax-bannanaano inaan sameysanno maamulkeenna, mana ogolaanayno in dowladdu ay faragelin nagu sameyno."

Ugu dambeyn, Afdoob ayaa wuxuu weydiistay dowladda dhexe ee Soomaaliya inay taageerto firka ay ku sameynayaan maamul goboleedka ayna taageerto si la mid ah sida ay u taageerto maamullada kale ee dalka ka jira.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/17/2012 8:27 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.

11/17/2012 7:23 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.

11/17/2012 6:58 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.

11/17/2012 6:20 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.

11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.

11/17/2012 1:35 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.