4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya iska fogeeyay Warbixin ku saabsan Dhuxusha oo ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay waribxin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reutes, taasoo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in la dhoofiyo dhuxusha taalla Kismaayo.


Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in madaxweynuhu uu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dhuxusha taalla Kismaayo ay u raadinayso dowladdu xal, balse uusan ogolaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

"Reuters si khaldan ayay u turjuntay shirkii jaraa'id ee madaxweynaha, mana jirto meel uu madaxweynuhu ku ogolaaday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in dowladdu ay xal u raadinayso dhuxusha taalla Kismaayo," ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaramada Midoobay ayaa horay u mamnunucday dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ogolaatay arrintaas, balse dhawaanahan waxaa taagnaa muran ku ku saabsan dhoofinta dhuxul taalla magaalada Kismaayo taasoo ay dowladdu sheegtay inay xal u raadinayso.

"Madaxweynuhu wuxuu ku celinayaa mar kale inuu taageersan yahay go'aankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu mamnuucaya dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kaasoo ay horay u dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana dhuxushu ay khatar weyn ku tahay dhirta Soomaaliya," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu qoraalkiisa kaga dalbaday wakaaladda wararka Reuters inay shabakadooda ka saaraan warka ku saabsan dhuxusha ee sida aan wanaagsanayn loo turjumay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya