4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Taliyeyaasha Saldhigyada Booliis Muqdisho qaarkood oo u xir-xiran Qaraxii ka dhacay Bannaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Taliyeyaasha saldhigyaada degmooyinka Xamar Jajab, Xamar-weyne, Waaberi iyo Wardhiigley ayaa loo xiray qaraxii dhawaan ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo khasaare nafeed oo aad u yar dhaliyay.

Jen. Axmed Xasan Maalin oo ah taliyaha booliiska gobolka Banaadir oo ka warbixiyay xarigga taliyeyaasha iyo baaritaanno socda ayaa sheegay in baaritaannadu ay meel wanaagsan marayaan, isagoo xusay in gaadiidka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu soo maray waddooyin ku yaalla degmooyinka ay taliyeyaashooda xireen.

"Afar taliye oo ka tirsan saldhigyada booliiska Muqdisho ayaa loo xiray dhacadaas, baaritaankuna meel wanaagsan ayuu noo marayaa. Raadad kale oo la xiriira arrinta ayaan haynnaa balse ma hordhacayno," ayuu yiri Jen. Maalin oo maanta la hadlay saxaafadda.

Tallaabadan lagu xiray taliyeyaasha saldhigyada booliiska degmooyinka Muqdisho qaar ka mid ah ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo la qaaday, iyadoo baarista lagu sameynayo qaraxa ka dhacay bannaanka hore ee xarunta baarlamaankuna uu noqonayo mid baaritaanno dheeraad ah leh lagu sameynayo.

Qaraxaas oo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada barxadda ay xildhibaannadu gaadiidka dhigtaan, sidoo kale saddex qof oo caruur u badan ayaa iyaguna ku dhaawacmay.

Dhinaca kale, taliyaha booliiska gobolka Banaadira yaa sheegay inay booliiska ay ka wadaan degmooyinka Muqdisho qaarkood baaritaanno kala duwan kuwaasoo lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya