4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Jaaamacadda Camuud ee Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo ku Sharaftay Shahaadadda sare ee PHD

Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo labaddii cisho u dambeeyey hawlo shaqo ku joogay magaaladda Boorame ayaa booqday mashaariic kala duwan oo ka socda magaaladda Boorame iyo jaamacadda Camuud.

Madaxweynaha oo markii dambe soo booqday Jaamacadda Camuud,ayaa hoolka weyn ee jaamacada loogu sameeyey munaasibad lagu gudoonsinayey shahaadadda sare ee PHD ee dhaqaalaha, waxaana gudoonsiintaa shahaadadda sare lagu sheegay inuu madaxweynuhu shahaadooyin dhinaca aqoonta dhaqaalaha ka haysto jaamacado dibadda ah, isla markaana wax badan ka qabtay ka war haynta jaamacadda Camuud iyo horumarinteeda, sidaa darteedna ay garowsadeen inuu u qalmo in lagu sharfo shahaaddada sare ee aqoonta dhaqaalaha ee PHD-da loo yaqaan.

Munaasibadan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) lagu gudoonsiinayey PHD-da ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxdii iyo Wasiirradii ku wehelisay socdaalkan, madaxda iyo maamulka jaamacadda Camuud.

Gudoomiye ku xigeenka jaamcadda Camuud Prof:Axmed Cabdillaahi ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu uga war hayo xaaladaha kala duwan ee jaamacada iyo sida uu horumarinteeda uga qaybqaato, waxaaanu sheegay in maanta laga bilaabo loogu yeedhi doono madaxweynaha Dr: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo una gudbay darajada Digtoor.

Wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa maamulka jaamacadda uga mahad celisay soo dhaweyntii ay u sameeyeen madaxweynaha iyo shahaadada sare ee ay gudoonsiiyeen. Waxaanay balan qaaday inay wax badan ka qaban doonto jaamacada Camuud, maaadaama oo ay hormood u tahay jaamacadaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isna sheegay inuu madaxweynuhu ku amray inuu sida ugu dhakhsaha badan u bixiso wasaarada Maaliyaddu kharashka dhamaystirka wadada isku xidha magaalooyinka Dila iyo Boorame oo dhererkeedu dhan yahay lix kiillo mitir.

Madaxweynaha Somaliland Dr: Axmed Maxamed Siillaanyo oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu jaamacada Camuud uu ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee ka baxday wakhtigii ay dugsiga sare ahayd, kaas oo uu ku amaanay dadaalka iyo horumarka balaadhan ee ka socda jaamacadda, isagoo xusay in ardayda jaamacada ka baxdaa yihiin kuwa aad u tayo fiican, isla markaana ku jira hormoodka jaamacadaha Somaliland, magac iyo sumcadna usoo jiiday Somaliland.

 Dhinaca kale, madaxweynaha iyo weftigiisii oo shalay galinkii dambe soo laabtay ayaa soo maray gobolka Gabiley, halkaasi oo uu mashaariic cusub ka dhagax dhigay, isagoo wadadda Tog-wajaale iyo Tuuladda Kala Baydh  isku xidhaysa dhagax dhigay, sheegayna in si dhakhso ah loo dhamaystiri doono, isla markaana Waxa  madaxweynaha magaaladda Gabiley oo markii hore aanu joogsan ku soo dhoweeyey dadweyne faro badan oo kaga hortagay duleedka magaaladda.

Intaas ka dib waxa uu madaxweynuhu ku soo guryo noqday magaaladda Hargeysa ka dib laba cisho oo gobolada galbeedka Somaliland ku marayey hawlo shaqo.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland