4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo Taageeray Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya talooyinna u jeediyay

Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulan ay ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ku taageerayaan xukuumadda Soomaaliya ayaa Muqdisho lagu qabtay, iyadoo kulankan ay soo qabanqaabiyeen haya'dda horumarinta haweenka ee IIDA iyo hay'adda Somali Women Agenda SWA.

Taageeradan ayaa waxaa looga dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay la timaaddo howlkarnimo ay dalka wax uga qabanayso, waxayna xubnihii ka hadlay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka timid bulshada rayidka ah loogana baahan yahay inay wax u qabto shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan hambalyo u diraynaa ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saaci) iyo xukuumaddiisa waxaana ka dalbanaynaa inay dalka kusoo rogto xasillooni iyo kala dambeyn," ayaa laga sheegay kulanka oo ay ka hadleen xubno fara badan.

Sidoo kale, waxaa lagu dardaarmay madaxda dowladda Soomaaliya inay dadaal u galaan sidii ay kusoo nooleyn lahaayeen rajada ummadda Sooamaliyeed oo muddo dheer kusoo jiray dhibaatooyin kala duwan, iyagoo ku boorriyay inay u adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

"Dhiirri-galinta madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha siiyeen haweenka Soomaalida waa mid farxad na gelinsa. Waxaana rajeynaynaa dhiirri-galintaas in la gaarsiiyo heer qancinaayo himilada iyo rajada haweenka Soomaaliyeed," ayaa kulanka laga sheegay.

Xubnihii ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa: Sahro Cumar Maalin oo ka socday  ALLAMAGAN / SOMALI WOMEN AGENDA (SWA) Political Task Force, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ka socday IIDA WOMEN'S DEVELOPMENT ORGANIZATION, Xaawo Ugaas Faarax oo ka socotay  WAAMO/SWA Peace Task Force, Nuur Maxamed Nuur oo ka socday  PUNSAA/SCSC, Xasan Macallin Black oo ka socday SOCENSA/SCSC iyo Fartuun Axmed oo ka socotay SWA YOUTH.

Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay dalbadeen in madaxda dowladdu ay dadaal u galaan sidii ay u dhameystiri lahaayeen kuraasta ay haweenku ku leeyihiin dowladda, kuwaasoo ah 30% inay ka helaan hay'adaha dowladda oo dhan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya