4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2012
Guddigii Farsamo ee gaaray Degmada Kismaayo oo kulamo la leh odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubbooyinka

Khamiis, November 15, 2012 (HOL) —Guddigii farsamo ee ka socday shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa gudaha magaalada Kismaayo kulamo gooni-gooni ah kula leh odoyaasha dhaqan beelaha dega Jubooyinka.

Kulamadan oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay xarunta jaamacadda Kismaayo ayaa waxa ay ku saaabsanyihiin sidii beelaha dega Jubooyinka ay uga qeybqaadan lahaayeen maamulka la filayo in dhawaan loo sameeyo gobolladaasi.

Mid kamid ah nabadoonada magaalada Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwo wada tashi ah, isagoona sheegay in diirada lagu saarayay sida ugu macquulsan ee loo dhameystiri karo dhismaha maamul goboleedka Jubbaland.

“Kulamada waxay u dhexeeyaan odoyaasha dhaqanka beelaha dega Jubooyinka iyo guddiga farsamo ee ka socda shirka Nairobi, waxayna odoyaasha ka talo bixinayaan dhismaha maamulka Jubbaland,” ayuu nabadoonka hadalkiisii raaciyay.

Guddiga ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa kulamo ay la qaadanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobollada Jubooyinka, kuwaasoo ka talo bixinayay dhismaha maamulka Jubbaland.

Shirka maamul u sameynta Jubooyinka oo uu soo agaasimay urur goboleedka IGAD ayaa bilooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi, waxaana la filayaa in dhameystirka dhismaha maamulka uu ka dhaco gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

Kulamada guddiga ka socda shirka maamul u sameynta jubbaland ay la yeelanayaan waxgaradka ku dhaqan Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli shir jaraa'id oo uu shalay qabtay madaxweeyne Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud  uu ku sheegay in maamul u sameeynta Jubooyinka ay masuul ka tahay dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya