4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo muddada u kordhinaya ciidamada Amisom ee ka howlgelaya Soomaaliya

Khamiis, November 01, 2012(HOL): War aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo aad loogu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddada u kordhinayo ciidammada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Africa ka jooga Soomaaliya.

 

Warkan ayaa intaas ku daraya in Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay uu marka hore sanadkan inta ka harsan u kordhin doono ciidammada Amisom, marka sanadka cusub la gaarana uu muddo sanad ah oo dheeraad ah uu ugu sii dari doono.

 

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay isbedelkii ka dhacay Soomaaliya ee dhinaca siyaasadda iyo doorashooyinkii dowladnimo ee dhacay  waxaa uu ka fekerayay codsi uga yimid Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo ahaa in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si dowladda Soomaaliya ay fursad ugu hesho in ay soo dhisto noocyada kala duwan ee ciidamadeeda, ayna ugu sahlanaato in ay iskeed isu difaacdo.

 

Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 1992 waxaa saarnaa cuno-qabteyn dhinaca hubka ah kaasi oo Soomaaliya la saaray kaddib markii ay ka billowdeen Soomaaliya dagaallo sokeeye oo qaab beeleed ku dhisnaa.

 

Dhowr jeer oo hore ayuu golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo kordhin u sameeyay Ciidammada Amisom ee Soomaaliya ka howlgelaya, waxayna muddo kordhintaas ku soo beegmeysay iyadoo dowladihii xilligaas ka jiray Soomaaliya ay ahaayeen kuwo KMG ah, halka dowladda haatan jirta aysan ahayn mid KMG ah.

 

Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howlgelaya oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ayaa kuwoodii ugu horreeyay oo ka socda Uganda waxay Soomaaliya cagaha dhigeen sanadkii 2007, xilligaas oo ay dalka Soomaaliya ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo markii dambe ka baxay Soomaaliya, inkastoo  marar kale ay dib ugu soo noqdeen gobollo ka tirsan dalka Soomaaliya.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]